Muuse Biixi Oo Xil Ka Qaadis Aargoosasho U Eeg La Daba Taagan Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Hawd Iyo Hargeysa Iyo Tirada Kuraasta Uu Dhaafiyey

0
Saturday November 09, 2019 - 23:20:12 in News by
  • Visits: 8864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Xil Ka Qaadis Aargoosasho U Eeg La Daba Taagan Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Hawd Iyo Hargeysa Iyo Tirada Kuraasta Uu Dhaafiyey

    Muuse Biixi Oo Xil Ka Qaadis Aargoosasho U Eeg La Daba Taagan Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Hawd Iyo Hargeysa Iyo Tirada Kuraasta Uu Dhaafiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Xil Ka Qaadis Aargoosasho U Eeg La Daba Taagan Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Hawd Iyo Hargeysa Iyo Tirada Kuraasta Uu Dhaafiyey


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa raaf kula daba jira xilalka ay dawlada ka hayaan masuuliyiinta ka soo jeeda gobolada Hawd iyo Maroodijeex.

Image result for muuse biixi



Muuse Biixi ayaa labadii sanadood ee uu xilka hayey waxa uu xil ka qaadis aargoosasho u eeg la daba galay masuuliyiintii xilalka hayey ee ka soo jeeday Hargeysa iyo Hawd, kuwaas oo uu xilal muhiim ah dhaafiyey isla markaana aanu waxba ugu badalin.


Tiradda Kuraasta uu Muuse Biixi Ka Qaaday Beelaha Arab ee aanu Dib Ugu Soo Celin Ama U Badalin Mudadii uu Xilka Hayay ayaa kala ah sidan.


1. Wasiirka Qorshaynta Qaranka

2.Jananka Ciidanka Bilayska

3. Gudoomiyaha Komishanka Aidska

4.Maareeyaha NDC

5. Maareeyaha Hay’adda Miinada

6. xoghayaha Dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa.

8.Agaasimaha Guud Ee wasaarada Arimaha Bulshada.

9.xoghayaha Gobolka Maroodijeex

10.safiirka Yemen

11. Safiirka Kenya

12. Safiirka Ethiopia


Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi ayaa u muuqda hogaamiye si gaar ah u bartilmaameedsanaya kuraasta ay ku fadhiyaan masuuliyiin ka soo jeeda beelaha Arab isaga oo indhaha ka lalinaya xubnaha ay isku deegaanka yihiin ee haysta kuraastii ugu muhiimsanayd ee qaranka kuwaas oo uu isku xeeray isla markaana aanu doonayn inuu qaarkood xukuumada dibada ka dhigo.


Dhinaca kale madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Arab ayaan ilaa hada bixin wax jawaab ah oo ku saabsan raafka uu Muuse Biixi ku wado masuuliyiinta uu ka caydhinayo kuraasta muhiimka ah ee ay saami ahaan ugu fadhiyeen.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...