War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi oo magacaabay Golaha sarre ee Baanka Xilli uu Guddoomiye Baqdaadi Cagaha kula jiro Musuqmaasuq

0
Saturday November 09, 2019 - 22:54:27 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi oo magacaabay Golaha sarre ee Baanka Xilli uu Guddoomiye Baqdaadi Cagaha kula jiro Musuqmaasuq

    Gudoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi Oo Cagaha Kula Jira Musuq Maasuqii Ugu Weynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baanka Cali Baqdaadi Oo Cagaha Kula Jira Musuq Maasuqii Ugu Weynaa

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay golaha sarre baanka dhexe ee Somaliland. Magacaabista xubnahan golaha sarre ee baanka dhexe ee Somaliland, ayaa ku soo beeggantay xilli ay guddoomiyaha baanka Mr. Baqdaadi ay dul-hoganayaan Faddeexaddo musuqmaasuq, isla markaanna uu ku kacay awood maroorsi dhinaca shaqadda ah.




Ma jiro war rasmi ah oo lagu baahiyay wareegtada Madaxweyne Biixi, hase-yeeshee Ilo wareedyo si dhow ula socday ayaa Warbaahinta Hadhwanaagnews u sheegay inaanu Madaxweynuhu la dhacsanayn sida uu wax u maamullaayo, waxaannu magacaabay golaha sarre ee Baanka dhexe ee Somaliland, kuwaasoo ka koobban 8 Xubnood, kuwaas oo si dhaw ula socon doonna hawlaha shaqo ee baanka dhexe, isla markaanna waxa ay hubinayaan qaabka uu u shaqeeyo guddoomiyaha, waxaannay diirrada saarri doonnaan Musuq-maasuqa iyo Xatooyadda hantiyeed ee lagu eeddaynaayo guddoomiyaha baanka Mr. Baqdaadi, iyaddoo golahan sarre ay ka daba-shaqayn doonnaan talaabo kasta oo uu qaaddo Guddoomiye Baqdaadi.

Xeerka Baanka ayaa qoraya in xubnaha golaha sare ee Baanka JSL ay tiradoodu noqon doonto ugu badnan 8 xubnood. Xubnahan uu magacaabay waxa ku jira guddoomiyihii hore ee Baanka JSL Maxamed Cabdi Ibraahim iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi, ayaa lagu eeddaynayaa inuu ku kacay arrimo Musuq-maasuq, isla markaanna uu sameeyay Xatooyo hantiyeed, waxaanna magaalada Hargeisa uga socda Dhisme dhawr dabaq ah, waxaannu mar telefishanka Sahan uu wax ka waydiiyay dhismahaas uu qirtay innuu Madaxweynuhu la ogyahay, hase-yeeshee muu sheegin meesha ay ka timid lacagtaasi, inkastoo uu dhalinyaro beeshiisa ah ka codsaday inay baraha bulshadda ku difaacaan Hotelkaas uu dhismihiisa gacanta ku hayo, waxaanna muuqata in Madaxweynaha ay darreen ku dhalisay musuq-maasuqa lagu eedaynaayo inuu daba-galo, waanna sababta keentay in la magacaabo Xubnaha golaha sarre baanka oo gacanta kula hayn doonna hawlaha baanka dhexe ee Somaliland.

Hargaysa, Somaliland
Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...