Somaliland Dib Ayey U Fogaanaysaa Ee Maxaa Ugu Wacan?..Xildhibaan Cartan Oo Qawadsan Jawiga Siyaasada Somaliland

0
Saturday November 09, 2019 - 19:40:08 in News by
  • Visits: 2402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Dib Ayey U Fogaanaysaa Ee Maxaa Ugu Wacan?..Xildhibaan Cartan Oo Qawadsan Jawiga Siyaasada Somaliland

    Somaliland Dib Ayey U Fogaanaysaa Ee Maxaa Ugu Wacan?..Xildhibaan Cartan Oo Qawadsan Jawiga Siyaasada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Dib Ayey U Fogaanaysaa Ee Maxaa Ugu Wacan?..Xildhibaan Cartan Oo Qawadsan Jawiga Siyaasada Somaliland


Hargeysa(HWN):-xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo k mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee ay haatan wajahayso somaliland.


Xildhibaan Cartan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soo bandhigay sida uu u qawadsan yahay xaaladaha somaliland ka jira ee aan xalkooda loo jeedin.



Xildhibaan Cartan ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-


Somaliland ma Fadhiidnimo Bay Isugu Biyo shubatay


Ka Fog Xisbinimada, ka yare fog Qabyaaladda, Somaliland dib bay u faaganaysaaye, maxaa ugu wacan? Maxaa Somaliland ka si ah?


An isku dayo inaan su’aashaa ka jawaabo. Somaliland Taariikhdeeda 30ka sano cagacagaynaysa, guuladarroyin iyo guuloba waa jireen, dagaalo sokeeye bay soo martay, Murano siyaasadeed oo ammaankeeda gilgiley bay soo martay, Laakiin marwalba guulaheeda ayaa hadhaynayey guuldarroyinkeeda.


Doorashooyinkii is-dabajoogey ee nabadgelyada ku qabsoomay imtixaan weyn oo ay ka soo gudbtay buu ahaa. Somaliland waxa caalamku ku naanaysaa, "sirtii Afrika ee ugu wacnayd ee la ilaashay (Africa’s best kept secret), mar kale waxa Somaliland lagu majiirtey inay tahay, "bartii cagaarrayd ee ku taallay lamadegaanka colaadeed” (an oasis in a desert of conflict) oo loola jeedey Geeska Afrika.


Dalal badan oo Afrika ah baa isku dayay inay waxa ka fahmaan sirta Somaliland, qoraalo tiro badan ayay khuburo ajnabi ah kaga hadleen sababaha dal aan la ictiraafin oo sabool ah, aan taclliin badani jirini uu u nabdoon yahay oo weliba dimuqraadi u yahay. Koonfurta Suudaan markay xorriyadda qaadanaysay waxa lagula taliyey inay cashar ka soo qaataan Somaliland. Koonfurta Soomaaliya, waxa lagula talin jirey, "waar Somaliland wax ka barta.”Waa sababta ay Somaliland ku kasbatay, Africa’s best kept Secret!


Maanta, miyeynu isku diidan nahay inay Somaliland dib u soo faaganayso? U malayn maayo. Haddaba xaggee bay cilladdu ku jirtaa? Maahmaah Soomaaliyeed baa leh, "Cudurka kaa dila fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo.” Haddii aynnu cilladda meel qudha saarno, dhibtii lama abbarin.


Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Loading...
Loading...