Qareenada Kenya U Qaabilsan Dacwada Badda Oo Qarka U Saaraan Inay Ka Hadhaan Kiiska

0
Saturday November 09, 2019 - 11:04:30 in News by
  • Visits: 1678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qareenada Kenya U Qaabilsan Dacwada Badda Oo Qarka U Saaraan Inay Ka Hadhaan Kiiska

    Qareenada Kenya U Qaabilsan Dacwada Badda Oo Qarka U Saaraan Inay Ka Hadhaan Kiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareenada Kenya U Qaabilsan Dacwada Badda Oo Qarka U Saaraan Inay Ka Hadhaan Kiiska

 


Muqdisho(HWN):-Qareenada dawlada Kenya u qaabilsan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya ayaa qarka u saaran inay iskaga hadhaan sii wadidada dacwada.


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Kenya, qareenadan qaabilsan dacwada bada ayaa qarka u saaran inay dhaqaale la,aan darteed iskaga hadhaan dacwadaa.




Qareenadan oo kala ah Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima, ayeey aheyd maalintii shalay in ay soo saaraan go'aankooda la xidhiidha in Kenya sii wadi doonto kiiska Badda ee hadda hor yaala maxkamada ICJ ee fadhigeedu yahay The Hegue.


Garsoorayaashan ayaa dalbaday31.2 bilyan Kenya shilin si ay sii wataan howlahooda , balse Baarlamanka dalka Kenya ayaa u ogolaaday wax ka yar kala badh oo ah 14.5 bilyan.


Dhaqaale xumidan ayeey sheegeen in garsoorayaasha oo ka kala imanaya goobo kala fog ku adkaysay inay isu yimaadaan si ay go'aan u gaadhaan.


Kenya ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamada ICJ ka labatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda Badda sababo iyada u gaar ah awgood, balse hadda waxaa muuqata in Kenya mar kale wajaheyso caqabado kale oo ka heysta go'aan ka gaarista kiiskan oo muddeysan in dib loo furo bisha June ee sanadka 2020ka sida ay sheegtay maxkamadda.


Soomaaliya ayaa dhinaceea mar walba sheegtay in ay diyaar u tahay la guda-galo dhageysiga dacwadda waxaana ay sheegtay dib u dhigistan u arkayaan go'aankii ugu danbeeyay oo ay maxkamadu qaadato.


Loading...
Loading...