Xaakinka Maxkamada New York Oo Madaxweyne Trump Ku Xukumay Inuu Bixiyo Laba Milyan Oo Doolar Iyo Sababtay Keentay

0
Saturday November 09, 2019 - 10:47:22 in News by
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaakinka Maxkamada New York Oo Madaxweyne Trump Ku Xukumay Inuu Bixiyo Laba Milyan Oo Doolar Iyo Sababtay Keentay

    Xaakinka Maxkamada New York Oo Madaxweyne Trump Ku Xukumay Inuu Bixiyo Laba Milyan Oo Doolar Iyo Sababtay Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaakinka Maxkamada New York Oo Madaxweyne Trump Ku Xukumay Inuu Bixiyo Laba Milyan Oo Doolar Iyo Sababtay Keentay


Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey'ad gargaar oo uu isaga leeyahay.



Lacagtaas ayaa Madaxweyne Trump la sheegay in uu u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka.

.

Hey'adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.


Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey'addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo.


"Waxaan Trump ku amrayaa in uu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaas oo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar,"ayay go'aamisay garsooraha maxkamadda.


Waxaa kale oo ay garsooraha sheegtay in lacagtaas farta laga saaro sideed hey'adood, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn Madaxweyne Trump, kana madaxbanaan.


Madaxweynaha ayaay sidoo kale maxkamaddu sheegtay in uu gabay mas'uuliyadii saarneyd, maadaama lacagtaas deeqda ah ee loogu talo galay dadkii usoo halgamay Mareykanka loo adeegsday doorashadii is-rebreebka ee sanadkii 2016-ka ka dhacday Mareykanka.


Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Letitia James ayaa sidoo kale sheegay in caruurta uu dhalay Madaxweyne Trump ee kala ah Donald Trump Jr, Eric Trump iyo Ivanka Trump oo ka mid ahaa maamulka hey'adaas haatan laga doonayo in ay qaataan tababar qasab ah oo ku saabsan maareynta maamulka hey'adaha.


In lacagat uu biixyo Madaxweynaha ayaa ah xalka ugu dambeeya ee dacwaddan oo ay soo gudbiyeen xafiiska dacwad oogaha Mareykanka, hasayeeshee Madaxweyne Trump iyo qareenkiisa ayaa ku dooday in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga oo uu sheegay in ay sameynayaan waxwalba, si ay isaga u dacweyaan.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...