Ugaar ah Dumarka: 7 Talo oo Kaa Yareyneysa Welwelka Maalinta Arooskaaga.

0
Saturday November 09, 2019 - 09:16:00 in News by
  • Visits: 1783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaar ah Dumarka: 7 Talo oo Kaa Yareyneysa Welwelka Maalinta Arooskaaga.

    Markaad nolol cusub galeyso, waxaa jira faahfaahinno badan oo ay waajib tahay inaad muhiimad gaar ah siiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaad nolol cusub galeyso, waxaa jira faahfaahinno badan oo ay waajib tahay inaad muhiimad gaar ah siiso

, laga bilaabo cambuurka, habka aad timahaaga u shalleysaneyso, ilaa laga gaaro fadhiga sawirka ee adiga iyo lamaanahaaga, waxaa dhici karta lama filaan wanaagsan oo laguu diyaariyay, arrimahaas oo dhan waxey aroosadda ka dhigaan mid aad u welwelsan, waxaana dhici karta in welwelkaasi uu dhaafiyo farxaddii habeenka ama maalinta ay cimrigeeda in badan sugeysay.

 

Waxaa dhici karta inaan welwel laga fursaneyn, si hadaba aanuu welwelkaasi kuu gaarsiin heer maalintaada kuugu muhiimsan nolosha uu farxadeeda kaa jiiro, waxaan kuusoo gudbineynaa talooyin lagu yareeyo dareenka welwelka ee maalinta arooska, waa sida uu sheegay websiteka "onefabday” .

 

1-Si wanaagsan u seexo

Waxaa waajib ah inaad xilli hore seexato iyo weliba saacado badan, si aad u dareento xasiillooni, arrintaas oo kugu taageeraysa in bilicda jirkaagu ay wanaagsanaato.

 

2. Cambuurkaaga iyo waxyaabaha aad ku qurxineyso arooska maalin ka hor soo qaado

 

Waxaa wanaagsan in uu guriga kuu yaallo cambuurkaaga arooska, kabaha, iyo waxbyaabaha kale ee aad isku qurxin lahayd guriga maalina arooska ka horreysay, si aaney lama filaan kuugu noqon hadhow in ay wax khaldan yihiin oo hagaajin loo baahan karo.

 

3. Yogaha ciyaar

 

Waxaa aad kuugu faa,iido badan inaad ciyaarto sportska yogaha marka aad hurdada ka soo kacdo, si aad xasillooni iyo deganaanshiyo uga hesho, waa inta aadan habeenka arooska soo aadin.

 

4. Ha illoobin inaad wax cunto

 

Waxaa wanaagsan inaad si fiican u quraacato oo aad isticmaasho khudaarta bisil, cab caano iyo shaaha dareemayaasha dejiya haddii aad heli karto, si aad firfircooi u dareento marka aad xafladda aadayso.

 

5. Haddii aad welwel isku aragto Music dhageyso

 

Welwelka waa khasab inaad dareento maalinta arooskaaga, sidaa darteed; waxaa wanaagsan inaad music dhageyso, biyo diirran aad ku maydhato, si aad xasillooni iyo degenaanshiyo aad uga hesho.

 

6. Hagaajinta Timaha iyo mikyaajka waqti u qabo

 

Si aanuu waqtigu hoosta kaaga soo gelin waqti u yeel aad timahaaga ku shalleysato mikyaajkan laguugu mariyo, ku dadaal inaad waqti fiican ay kuu timaaddo gabadha ku qurxineysa, si aadan hadhow uga dib dhicin arooska.

 

7. Farxadda haka dib dhicin

 

Ugu dambeyn, waqti badan ha ku bixin arrimaha aan muhiimka ahayn, maalinta muhiimka kuu ahna ha iska dayicin, ku dadaal sidii aad waqti fiican u gaari lahayd goobta xafladda, si aad waqti fiican ugu hesho habeenka farxadaada ee aad waqtiga dheer sugaysay.


Loading...
Loading...