Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.1aad ( Abdi-shotaly).

0
Saturday November 09, 2019 - 08:09:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biography Of Abdirahman Ahmed Ali Tuur Q.1aad ( Abdi-shotaly).

    Shalay oo ay Taariikh-du ahayd 07/11/2019 (wakhati fiidnimo dambe ah)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay oo ay Taariikh-du ahayd 07/11/2019 (wakhati fiidnimo dambe ah)
magaaladda London ee Caasimadda dalka UK, oo laga joogaa 16 sano kolkii ay tiialle ku timi mujaahidkii (Cabdiraxmaan Axmed Cali (Illaah Naxariistiisa ha ka waraabiyo'e), maalin-taas oo ku beegnayd 2003ggii, sidaas awgeed waxan halkan idiinku soo gudbinayaa, sooyaalkii uu cagta ku soo dhuftay Madax-weynihii ugu horeeyey ee Somaliland Mudane " Abdirahman Ahmed Ali" Oo ku magac dheeraa Abdirahman Tuur,  Wuxu ku dhashay magaala madaxdda Gobolka Togdheer ( Burco), sanadkii 1923 kii Dabayaaqa-diisii, wuxu dugsiga hoose ee Burco galay markay da'diisu ahayd 11 jir, oo ah ka-ka dambeeya dawladda hoose, oo markaa la odhan jirey Tog-dheer Elementary School, Dugsiga dhexena wuxu ka galay Sheekh 1935kii,  isaga oo isna dhameeyey 1938kii, waxay isku fasal ahaayeen (Ihun) Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo rag badan oo kale, kuwaas oo caan ku ahaa Maamuladdii Somaliya, isla sanad-kaas dabayaaqa-diisii, wuxu galay dugsiga sare ee sheekh, wuxu ahaan jirey ardaydda ugu xariifsan fasal-kiisa, sidda laga hayo (Ihun) Mohamed Xaaji Ibraahin Cigaal isaga oo ka baxay sheekh sare 1942-ggii. ( 4 sano ka bacdi). Kabacdi Wuxu wax ku soo bartay Jaamacadda Suudaan ee la yidhadho " Umul durmaan University"  Wuxuu la dhashay 19 caruur ah oo ay walaallo yihiin, Dhanka hooyadda wuxu kala walaal ahaa 7 nin iyo hal gabadh ah oo Ilma Aadan Qalab-jaan ah, dhanka aabaha-na wuxuu kala walaal ahaa 8 nin iyo 4 hablo ah ( waa isku 19) iyo isaga otao ku 20 ah. Waxa  ka mid ah Aabihii Tacliinta ee Somalia (Ihun) Mudane Mohamoud Ahmed Ali.


 Isla markuu ka qalin jebiyey Jamacadda, Cadbiraxmaan Axmed Cali  (Tuur Ihun) Wuxu ku biiray gobonimo doonkii u halgamaayey xoriyadda Somaliland, oo wakhti-gaas ay xukumi jirtey Boqortoo-yaddii Ingiriisku, oo uu ka noqday Xog-hayaha isku duba-ridda halgankii dhaq-dhaqaaqa xornimo doonka kooxddii waday, kaas oo uu madax ka ahaa Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal ( Labada-ba iyo intii kale-ba illaah janadda ha waraabiyo'e). Hadaba maamulkii ugu horeeyey ee ay yeelato Somaliya ( wixii lagu sheegi jirey Isku darka Koonfurta iyo waqooyiga), Wuxuu noqday Safiirkii ugu horeeyey ee loo diro Dalka suudaan ilaa iyo 1969kii halkaas buu joogay, markaas oo uu isu sharaxay baarlamaankii Somaliya, isaga oo Bishii April 1969kii Xusbi ka furtay Burco la odhan jirey "Shan Farood iyo Calaacal"  Laakiin nasiib darro kuma uu guulaysan in uu noqdo dibi-taati (MP) ka mid ahaadda Baarlamaankii markaas la doortay.

Markaa dabadeed, waxa ka dib loo wareejiyey in ahaado Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliya. Mudo markuu safiir ka ahaa Itoobiya laga bilaabo badhtamahii 1969kii ilaa iyo dagaalkii dhex maray Somaliya iyo Itoobiya ee ahaa 1977-1978kii, ka dibna waxa loo bedelay in uu safiir ka noqdo dawladda Isu-taga Imaaraadka Ccarabta.  Markii ay ahayd taariikh-du bishii March 1987 buu soo galay dalka UK, halkaas oo uu kaga biiray Halgankii SNM.  Wuxu mar-kiiba noqday Gudoomiyaha UK, Xafiiskii SNM ee London, kuna yaalay Xaafadda East London ee dariiqii la odhan Jirey Cleveland Street, Madax-weyne Cabdiraxmaan (Ihun), Wuxu dhisay siyaasaddii SNM ee debedda isaga oo albaabadda u soo xidhay isla kolkiiba, wixii aduunka uu ka dhaadhicin jirey maamulkii Af-weyne, isaga oo shaaciyey wixii la qarin jirey ee xasuuq, dil iyo dhibaato loo geystay Ummaddii reer Sheekh Isaxaaq markaa sheegan jirtey,  iyo dagaalkii lagu dabar gonaayey, Isaga oo ahaa wakiilkii SNM ee u fadhiya Boqortoo-yadda Ingiriiska iyo dan jirahii Europe ee dhanka siyaasadda.Wuxu ku guulaystay in caalamku ( Gaar ahaan Wadamadda reer galbeedku) ay markii ugu horeysay indhaha ku kala qaadaan, ogaadaana waxa meesha ka socdaa sidda ay yihiin, kana digo rogtaan wixii uu ku dhuri jirey Keliggii taliyihii Af-weyne, markii uu xaqiiq-ddii taab-siiyey.

 La Soco Qabta 2aad.
* N.B Rabbiyaw Godka U Nuur, Gargaar-kaaga Ugu Deeq!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...