Wasiirka Arimaha Dibada Maraykanka Oo Weeraray Shiinha Iyo Ruushka.

0
Saturday November 09, 2019 - 07:20:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Maraykanka Oo Weeraray Shiinha Iyo Ruushka.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo
ayaa waxa uu ka digay in khatarta Ruushka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in la kobciyo Nato laga hortago "caqabadaha maanta taagan".



Mr Pompeo oo booqasho ku jooga magaalada Berlin ayaa sheegay in habka Shiinaha uu u isticmaalayo dadkiisa ee caburinta ah ayaa waxa ay u eg tahay habkii naxdinta badnaa ee ka dhacay Bariga Jarmalka.


Ruushka ayuu dhanka kale ku eedeeyay inuu xoog ku galaayo dalalka dariska ah sidoo kalana uu baacsanayo mucaaradka. Waxa uu ku qoslay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaas oo dhawaan yiri Nato waa "maskax dhimatay".


Hasayeeshee Mr Pompeo ayaa waxa waxa weriyayaasha u sheegay: "Todobaatan sano ayaa laga joogaa markii la dhisay isbahaysigan, marka waa in la kobciyaa oo wax laga badelaa. Waxaa loo baahan yahay in isbahaysigu uu la falgalo caqabadaha iyo dhacdooyinka manta.


"Haddii dalalka ay rumaysan yihiin inay kaalmo ammaan heli karaan iyagoon Nato siinayn kharashaadka ay u baahan tahay, marka haddii aanay waajibaadkooda ka soo bixin, Nato waxa ay halis ugu jirtaa inay noqoto mid aan shaqeynayn."


Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa si joogta ah waxa uu dalalka Yurub ee xubnaha ka ah Nato ugu eedeeyay inay ku guuldarraysteen inay si dhab ah u bixiyaan qoondadooda kharashka ku baxa milateriga ayna difaacooda si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka.


Nato ayaa kulan bisha soo socota ka dhici doona magaalada London waxa ay ugu dabaaldegi doonaan 70 sano guuradii ka soo wareegatay markii isbahaysigaasi la aasaasay.


Muxuu kale oo uu Mr Pompeo sheegay?

Waxa uu ka hadlayay magaalada Berlin maalin un ka hor sanadguurada 30-aad ee ka soo wareegatay markii la burburiyay darbigii Berlin.


Isagoo dhadadaas ka hadlayana waxa uu Mr Pompeo yiri "reer Galbeedka haddaanu nahay - waa dhammaantayee - waxaanu luminay dareenkeennii ku aadanaa xilligaas wanaagsanaa".


Waxa uu sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay tahay "inay difaacaan guusha sida adag lagu gaaray… 1989" sidoo kalana "la aqoonsado inaan tartan dhinaca qiyamka ah kula jirno dalal aan xor ahayn".


"Waxaan moodaynay in aan khayraadkeenna la keecin karno isbahaysiga iyo milaterigayaga. Waannu khaldanayn," ayuu yiri.


"Maanta, Ruushka - oo uu hogaaminayo sarkaalkii hore ee KGB-da marna saldhigga ay u aheyd magaalada Dresden [Madaxweyne Vladimir Putin] - ayaa waxa uu xoog ku galayaa dalalka dariska la ah waxa uuna qudha ka jarayaa siyaasiyiinta mucaaradka."


Waxaa hoos u dhacay xiriirkii ka dhaxeeyay Washington iyo Moscow kaddib markii Ruushku uu 2014 gacanka Crimea ka qabsaday dalka dariska ah ee Ukriane.


Xiriirka ayaa sii xumaaday markii hay'adaha sirdoonka Mareykanka ay sheegeen in aqalka Kremlinka uu farageliyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2016.


Inkastoo ay taasi jirto, haddana Madaxweyne Trump iyo Madaxweyne Putin ayaa waxa ay u muuqdeen kuwo uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo. Jimcihii Mr Trump ayaa sheegay inuu ku hamiyayo in bish May ee soo aaddan uu ka qeybgalyo debaaldegga maalinta Guusha ee Ruushka, kaddib markii uu helay casuumaad kaga timid hogaamiyaha Ruushka.


Mr Pompeo ayaa waxa uu xisbiga Shuuciga ee Shiinaha uu ku eedeeyay in "uu ka shaqeynayo sidii uu soo saari lahaa hab cusub oo awood maquunin ah" waxa uuna dowladda Jarmalka uga digay inay isticmaasho shirkadda weyn ee isgaarsiinta ee Shiinaha ee Huawei si ay ugu dhisto shabakadda heerka 5-aad ee 5G ee shirkaddaas.


Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Geng Shuang ayaa hadalkaasi si caro leh uga jawaabay isagoo Mr Pompeo ku eedeeyay inuu aaminsan yahay fikrad nacayb ah maskaxdiisana ay ka guuxayso dagaalkii qaboobaa.


"Iskudayada ah in la kala sooco dadka Shiinaha iyo Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa waxa ay tahay daandaansi ka dhan ah dadka Shiinaha oo dhan taasina waa mid guuldarraysanaysa," ayuu yiri.


Madaxweynaha Faransiiska oo u warramayay wargeyska the Economist ayaa waxa uu sheegay inuu arko hoos u dhac ku yimid waajibaadkii isbahaysiga ka saarnaa dalka ugu ballaaran ee maalgelinayay ee Mareykanka.


Waxa uu dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga ee Yurub ug a digay inaysan ku tiirsanaan karin si uu u difaaco isbahaysigaas la dhisay bilowgii dagaalkii qaboobaa si loo xoojiyo ammaanka dalalka galbeedka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.


Waxa uu soo qaatay guuldarradii Washington ay kaga weecatay inay la tashato Nato ka hor inta aanay ciidamadeeda ka soo saarin waqooyiga Suuriya.

Mr Macron ayaa sidoo kale su'aal galilyay in Nato ay weli ka go'an tahay difaac guud oo loo dhan yahay.


Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ah xulafo muhiima ah oo Khamiistii hadlaysay ayaa waxa ay sheegtay in aanay Mr Macron ku raacsanayn "erayada qalafsan".


Iyadoo ka garab hadlaysay Xoghayaha Guud ee Nato ee Berlin booqanayay Janaraal Jens Stoltenberg, ayaa waxa ay Merkel qirtay in dhibaatooyin ay jiraan, hasayeeshee waxa ay sheegtay in aanay u malayn in sidaas ay xaaladdu u xun tahay.


Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova, ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba sheegtay in Mr Macron uu ka hadlay "xaaladda saxda ah ee haatan ay Nato ku sugan tahay".


"Si wanaagsan ayuu u dhigay. Waa erayo run ah, waana kuwo taabanayo wadnaha arrinta," waxa ay ku qortay barteeda Facebook-ga.

 

BBC

Loading...
Loading...