Wadamada Itoobiya, Suudaan Iyo Masar Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Gaadhay Biyo Xidheenka Addis Ka Samaynayso Wabiga Niilka

0
Friday November 08, 2019 - 20:47:58 in News by
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Itoobiya, Suudaan Iyo Masar Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Gaadhay Biyo Xidheenka Addis Ka Samaynayso Wabiga Niilka

    Wadamada Itoobiya, Suudaan Iyo Masar Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Gaadhay Biyo Xidheenka Addis Ka Samaynayso Wabiga Niilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada Itoobiya, Suudaan Iyo Masar Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Gaadhay Biyo Xidheenka Addis Ka Samaynayso Wabiga Niilka


Addis Ababa(HWN):-Wadamada Itoobiya, Suudn iyo Masar ayaa wada gaadhay heshiis ku saabsan biyo xidheenka Itoobiya ka samaynayso biyaha wabiga Niilka.


Wasiirada arimaha dibada ee wadamada Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo shir ay marti geliyeen madaxweynaha baanka aduunka iyo xoghayaha maaliyada ee dalka Maraykanka iskugu yimid magaalada Washington ayaa ka wada hadlay saamaynta uu biyaha wabiga niilka ku yeelanayo biyo xidheenka ay samaynayso xukuumada Addis Ababa.




War laga soo saaray shirka ay yeesheen wasiiradu ayaa lagu sheegay in sadexdan wadan ay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay wada gaadhaan heshiis dhamaystiran oo iskaashi, iswaafajin iyo is afgarad kaga gaadhaan hawl galka biyo xidheenka weyn ee ay dawlada Itoobiya ka samaynayso biyaha wabiga niilka.


Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wadamadani ay isla gaadheen in la sameeyo nidaam cad oo loo raaco isafgaradkii ay wadamadani gaadheen sanadkii 2015 iyo qodobadii lagu heshiiyey.


Wasiirada arimaha dibada ee sadexdan wadan ayaa isku raacay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan heshiis ay wada gaadhaan 15 January sanadka 2020 isla markaana ay goob joog ka ahaadaan laba shir oo Washington ka dhici doona bisha December iyo 13 January 2020.


Wasiiradan ayaa isla gartay muhiimada biyaha wabiga Niilku u leeyihiin horumarka shacabka Suudaan, Itoobiya iyo Masar iyo dedaalka gaarka ah ee la siinayo iskaashiga iyo danaha ay wadaagaan wadamadani oo uu ku jiro heshiiskani.


Sidoo kale wasiirada arimaha dibadan ee wadamada Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kuwaas oo la falanqeeyey biyo xidheenka ay Itoobiya ka samaysanayso biyaha wabiga Niilka.

Loading...
Loading...