Faallo:-Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridku waxay ku guuldaraysteen Middaynta shacabka Somaliland

0
Friday November 08, 2019 - 17:54:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridku waxay ku guuldaraysteen Middaynta shacabka Somaliland

    Faallo:-Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridku waxay ku guuldaraysteen Middaynta shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridku waxay ku guuldaraysteen Middaynta shacabka Somaliland
Hargaysa(HWN):-Arinta Xukuumada ee indho sarcaadka ah ee ku saabsan midaynta Qurba jooga waa siyaasad ay uga gol leeyihiin in ay shacabka ku marin habaabiyaan si loo moodo in ay dhab ka tahay shaqada ay wadaan. laakiin Xakuumada iyo Xisbiga Talada Dalka hayaa waa kuwa abuuray kala qaybinta shacabka somaliland iyo qabyaalada si ay jaanis ugu helaan musuqmaasuqa, Eexda, ku tagrifalka awooda maamul, iyo sidii ay u dhisi lahaayeen Nidaam dawladeed oo ku dhisan in ay cid gaar ahi Awooda maamul iyo Dhaqaale gacanta ugu dhigi lahaayeen, dadka dalka wada dagaana ay dabaqyo kala sareeya u noqon lahaayeen. mana jirto waxay daacad ka yihiin oo ay shacabka ku midaynayaan gudaha iyo dibadaba. Xukuumada maanta jirtaana waxay dalka ku maamulaysaa siyasada Qaybi oo Xukun ( indirect rule).


Xisbiyada mucaaridka ee maanta dalka ka jiraa run ahaantii waa kuwo buuxin kari waayay doorkii mucaaridnimo iyo xilkii ka saarnaa in ay qaladaadka ay dawladu samayso ka hor istaagaan shacabkana si farshaxannimo ku jirto ugu soo bandhigaan una fahansiiyaan. waxa nasiib darro ah in Xisbiyada mucaaridka ahi ayna lahayn siyaasad cad oo mucaaridnimo iyo hogaamin wax tar leh oo dalka ka samato bixisa godka madaw ee ay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Xisbiga Kulmiye ku abtirsanayay ay ku rideen iyo Boobka hantidii Qaranka Bad iyo Bariba ee ay boobeen.

Xisbiyada mucaaridka ahi waxay ku guuldaraysteen in ay shacabkii Qabyaalada la dhex dhigay ay mideeyaan iyagoo adeegsanaya siyaasad wax tar leh oo ay kaga hortagayaan dhibaatada iyo nacaybka ay abuurtay Talada xisbiga kulmiye ee ku Toban jirsatay Talada dalka. Fashilkaa ku dhacay xisbiyada mucaaridka ah waxa tusaale kuugu filan halkii ugu horayn ja midayn lahaayeen shacabka gudaha dalka ku nool waxay la shir yimaadeen in ay Qurbajooga shirar u qabtaan iyagoo ku andacoonaya in ay midaynayaan Qurbajooga oo 5% ka ah tirada shacabka Somaliland. horta waa su,aale, in la miideeyo shacabka gudaha dalka ku nool iyo midaynta Qurbajooga keeba Asal ah oo hadii la mideeyo ka kale saamayn ku leh inuu mideebo........?.
Jawaabtu waxay tahay, marka hore in la mideeyo shacabka gudaha ku nool e ah kuwa saamaynta wayn ku leh isbedelada gudaha iyo dibadaba ka jira tiro ahaanba ka badan kuwa Qurbaha ku nool, saamayntooduna mid Taban iyo Mid Togan ba ku leedahay kuwa qurbaha ku nool.

Waxay ila tahay midaynta Qurbajooga ee mucaaridku baryahan ka wadan dalka dibadiisa in ay tahay samir taagwaa iyo naf la caarid, mana aha siyaasad ay ka midho dhalin karaan oo ay guul ka gaadhi karaan la taaban karo. Si kastaba ha ahaatee, Arinkaa midaynta Qurbajooga ee mucaaridku wadaa waa Cudurka ku dhaca Fardaha waxa laga Gubaa Dameeraha.

Hargaysa, Somaliland
Hadhwanaagnews,Office

Loading...
Loading...