Xaguu Ku Dambeeyay Qalabkii Lagu Balaadhinayay Dhismaha Dekada Berbera Ee Maareeye Siciid Sheegay Inuu Soo Raranyahay?

0
Friday February 01, 2019 - 20:32:05 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaguu Ku Dambeeyay Qalabkii Lagu Balaadhinayay Dhismaha Dekada Berbera Ee Maareeye Siciid Sheegay Inuu Soo Raranyahay?

    Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa hore usheegay mar uu warbixin siinayay madaxwaynaha Somaliland Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa hore usheegay mar uu warbixin siinayay madaxwaynaha Somaliland Muuse Hargaysa (HWN)  waxa uu dib udhac ku yimid dhismaha lagu balaadhinayo dekada Berbera ee Somaliland, oo lagu waday in qalabka lagu dhisayo dekadu uu yimaado Bishii udambaysay sanadkii ina dhaafay ee 2018 sida uu maareeyaha dekedaha Somaliland ku sheegay warbixin uu siiyay Madaxwaynaha Somaliland wakhti uu kormeer ku marayay madaxwaynuhu  dekada Berbera sannadkii dhamaaday ee 2018.

Dib udhacan ku yimid balaadhinta dekada Berbera  waxaa ka hadlay Chief Caaqil Maxamuud Siciid oo ka mid ah bahda  dhaqanka Somaliland oo sheegay in Markab uu sheegay maareeyaha dekadaha Somaliland inuu ku soo raranyahay qalabkii loo adeegsan lahaa dhismaha lagu balaadhinayo dekada Berberi in aanu iman dekada Balse dekada uu yimid qalab cid gaar ahi leedahay, waxaanu caaqilku yidhi "December ayaa loo balansanaa in la bilaabo qaybtii koowaad ee balaadhinta dhismaha dekada Berbera iyo in sidoo kale la keeno agabkii lagu shaqaynayay, arintana inbadan ayay soo noqnoqotay”
Chief Caaqilka oo hadalka siiwata ayaa intaasi ku daray  "maareeyaha dekadaha Somaliland waxa uu sheegay in uu soo raranyahay markab sida qalabkii lagu dhisayay dekada uuna Dubay taaganyahay, waxaanu xusay markabka magaciisa, waxaanu yidhi way jiraan dad badan oo wax borobogandaynayaa, laakiin waxaa layidhi wixii ay indho arkayaan ayay ilko gooyaan, markii markabkii uu sheegay Maareeyuhu yimid waxaa laga soo dejiyay afar cagaf iyo mid ruglay ah, waxaana qalabkaasi ku magacaaban dad shicib ah, reer Berbera waa lawaydiin doonaa cidkastoo kalana waa lawaydiin karaa” ayuu yidhi Chief Caaqil isagoo uwaramay Bulsho Tv.


Chie Caaqilka oo hadalka sii wada ayaa yidhi "Heshiiskan lala galay DPWorld ma xaaraanbaa mise waa xalaal, xukuumada uu hogaanka u hayo Muuse Biixi Cabdi ayaa ka masuul ah haddii ay dalka khasaare uleedahayna isagaa looga baahanyahay inuu ka qabto, Haddii ay faa’iido uleedahayna inuu ku socdo”

Maareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa hore usheegay mar uu warbixin siinayay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kormeer kutagay dekada Berbera sannadkii dhamaaday ee 2018kii in qalabkii lagu dhisay qaybta lagu kordhinayo dekada Berberi uu soo gaadhi doono  dekada 16 December ee sannadkii dhamaaday balse arinkaasi ayaan noqon mid rumooba.

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...