Xubnaha Komashinka Waa La Ansaxinaya Qore Khadar Ibrahim
Maqaalkan caawa waxaan usoo qaatay in aan
u iftimiyo taageerayaasha waddani ee weli rajo ka sugaya waddaniga
maanta jira in la ansaxiniyo xubnaha komashinka cosub dhamaantood ee la
shaaciyay. Dastuur iyo xeer ahaanba waxan ansaxinaya golaha baarlamaanka
Somaliland ee haatan aqlabiyadiisu ay tahay xisbul xaakimka amba yeela
amba diida! Indhahiina ayaad Ku arki doontaan waana sharciga jira
.....taasna kadib waxay keenaysa guusha xisbiga kulmiye u qorshisanayo
doorashooyinka baarlamaanka oo kuraasta ugu badan helo iyo golayaasha
deegaanka oo aqlabiyada keeno... Dabcan niyad jab bay Ku ahaanaysa
waddani wana tii kusii curyaami laha siyaasad ahaan.
Xisbi mucaarid oo hoggaminta qaranka loolan ugu jira kuma baaqo mudaahraad dagaal dawladda lala galo. Caadiyan cida ku baaqda in dawladda mudaaharad lala galaa waa cid dalka iyo dadka Somaliland kula jirta siyaasad xumo, oo ku suntan ducufnimo haysata.Haseyeeshe odhan maayo Xisbiga waddani wuxuu ka mideysan yahay aragtidan gurracan ee heer dagaal gaadhay. Wali waxaan sugayaa rajada aan ka qabo madaxda sare ee xisbiga oo ah kuwa masiirkooda siyaasiga ah iyo mustaqbalkooda maalinba wiil yari ku tumanayo. Isaga oo mudaharaad ku baaqaya amma sharciga dalka jabinaya si uu u helo sumcad. Waa dhabarjabka iyo dux la’ aanta madaxda xisbiga waddani. Somaliland guud ahaanteed nabad baa u dan ah, ninka fawdo iyo rabshad kursi baad ku fuuli is lahoow si qaldan baad qiyaasta u qaadatay!!!!.
runtii xisbul xakiimka kulmiye waa xisbi khibrad uleh siyaasada Somaliland ,waddani weli mu bislaan isago cagenaya 7 sanadood saaxada ee u kujiray...Dr maxamed cabdi gaboose aya mucaarid dhab ah waana aragtayn sida u beyaamiyay hadalkiisa , kaalinta mucaaridnimada ka maqan Somaliland waa gaboose waxana filaya shirweynaha waddani in u musharaxooda noqdo GABOOSE kadib markan arkay dad farabadan oo arikaas taabtay.waayo waddani maanta rajo la'aan ba ka muuqata .....
Qore mukhtar cilmi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!