Yaa Diidan Nabadda Ceel-Af-weyn (Abdi-Shotaly)?.

0
Friday November 08, 2019 - 10:32:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Diidan Nabadda Ceel-Af-weyn (Abdi-Shotaly)?.

    Waxa aynu arkaynay maalmahan, xaflad lagu qabtay Degmadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynu arkaynay maalmahan, xaflad lagu qabtay Degmadda
Ceel-Af-Weyn ee gobolka Sanaag, waxan odhan lahaa aynu u wadda ducayno, in illaah ka dhigo  dhab iyo dabar go'ii colaadaas mudadda ku dhaw 5ta sano ka taagnayd aagaas. Nabadu waa u dan haday tahay qof, koox, beel, degmo, gobol iyo wadan kaste, sidaas awgeed illaahay waxan ugu baryayaa in uu is af-garansiiyo Baho biciidda iyo Idarays, si kale hadaan u dhigana, waxay noqonaysaa H. jeclo Bari iyo Garxajis Bari. waxan leeyahay " Ishii bugtaay ku bikaacso" oo may kaa boodo ka dagaalka wadaw. " Intaa dabadeed waxa kale oo meesha yaala, Abwaan Cabdi Iidaan hees uu lahaa, oo uu qaadi jirey (Ihun) Mohamed Ahmed kuluc, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Ogaw  dhuuma-shadda qaar, uu dhabarku muuqdaa, waa dhib iyo hadimee" Waa runtii illaah janadda ha ka waraabiyo'e", colaadan waxa ku jira  faro dheeraad ah oo ku raad gata, colaadu laba reer bay ka dhaxaysaa, laakiin hoosta ka huri-naaya, oo xaabo kaga sii shidaya mar kaste oo la is yidhaaho bakhtiiya, misna is leh ololka yaan la arkin, oo ciiro isku qarinaaya, aan farta idiin saaro'e kuwaasi, waxay yihiin Maamulka askarta ee ay ku hor kaajaan " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani"  Kuwa loo adeegsa-daana waxay yihiin "Gafane ( Gaafaadhi baad tidhaahaane) iyo Maxamuud Beenaale ( Maxamuud Xaashi), Waayo way ku cimri dheeraysa-nayaan, oo waa mashruuc la maal geliyo, in aanu damin dagaalku ee uu socdda uun. si aanay isu dhimin xoolaha lagu xadayaa.

 

Runta haddii laga xanaaqaayo iyo haddii kale-ba, hubka Ceel af-weyn ee beelaha qaar sitaan, waxa uu yahay kii loogu tallo galay waxa lagu sheego ciidan qaran, ee gebi ahaan-ba ka soo jeedda maamulka hargeysa, haw kala bateene iyakuye. maamul dad ka dhexeeyaa, ee waa magac u yaal in yari ku adeegato. Malaha kama war haysaane inkaaro baa meesha ka dhacay soo if baxay, Xanuunka M/WeyneSiilaanyo wuxu ka dhashay amarkii uu ku bixiyey, ee ahaa in la dumiyo magaallo dhan oo 3000 oo qof deganaayeen iyo Masaajidaddii ( Baytu-laahigga ahaa) ee Cagafta la geliyey. Maxamuud benaale iyo gaafaadhi baa feker-kaas lahaa oo ka dambeeyey, iyana wuu u soo socodaa, xanuunka Madax-weyne Siilaanyo helay goor uu abaaro-ba. illaah ha inaga qabtee, imika-dana way ka soo hor jeedaan daminta colaadan, oo waxay leeyihiin lanama ogaysiin, oo hoosta bay biyo ka kar-kari-nayaan, durbaba waxay maqlaayey, kuwo dhawaaqay kuma jirno nabadda, Ceel-Af-Weyna, Nabadina ka dheer, waxa waxaas samaynayaa, waa ragga kor ku yaala haddii illaahay laga baqaayo, oo run la isu sheegaayo, daacad laga yahay waan-waanta nabadeed cidda hor taagani.

 

Mar kale weli ma is weydiiseen, waxa uu u qab soomi waayey shirka H. Jeclo iyo Garxajis? Maxaa kala haya in ay isu yimaadaan? Yaa cudur ku ah ee in la daweeyo diidan? Cudurka laf-tiisu waa ayo? Su'aala-haas iyo qaar kaloo badan-ba, jawaab-toodu way iska yar tahay, waana la garanayaa, umase jeedno, waxana uu yahay Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" ka u aabaha ahi, hadaan la isku maaweeli-nayn been iyo waxeenii xilka lahaa. Cudurka ku jraana, waa geenyo shaaximan, Gafane, Maxauud beelaale, iyo qaar kaloo badan, bal maalinta uu kud madaw nabad ka hadlo-ba dgaal baa dhaca maalmaha ku xiga, hadaba waxan idiin sheegayaa, oo cadaan ah aanu muran ku jirin haba-yaraatee, kuwa ka soo hor jeedda in ay wadda hadlaan H.Jeclo Iyo Garxajis, waa ragaas sare ku yaal ee maamulka Xaafad-tooyadda ka mid ah. waayo dan baa ugu jirta, isku dirka, kala qoqobka, cuqdad dhex dhiga, ku salaysan yaan la idiin heshiin, ee ku kala dhex jira, af-kana been ka dhura iyo maaweeladdii lagu afuufi jirey, taas oo ahayd tolaay yaa reer hebelaay. waxan ku soo xidhay, Labadda reer ee H. Jeclo iyo Garxajis oo aan leeyahay, malaha ma ogidin in Hargeysa la iskaga kiin diro, oo Colaadiinu faa'iido u tahay Hargeysa, taasina ay tahay ta qayrkiin iyo qayr xigeen-ba idinka reebtay, goorma baad wax garan doon-taan? Ma jiraan wax idinka idin dhex yaalaa, hadana waysku raran tihiin ilaa yoomal-diin, isma weydiisaan sababta, Cudur baad wadda qabtaan ah, H.jeclo oo fudayd dhuuxa raacay aan dawo lahayni iyo Garxajis oo cirka ku faruur xidhan, qab xun oo aanay cidna wax u ogolayn iskaga jiro. ilaa aad is garwaaq-sataan oo mid-ba ka kale uu yidhaaho, maxaan isku haynaana? Sidaas baad Hargeysi idiinka dhex faa'iidaysaa, oo u dilaysaa Curada-diina, iyaka wax-ba kama dhintaane. idinka baa baaruudda la iisugu kiin dhiibaaye.

 

* N.B Ilaahaw Nimaan Wax Ogayn Ha Cadaabin!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...