Noocee Ayey Noqon Doontaa Isku Shaandhaynta Laga Sugayo Muuse Biixi?

0
Thursday November 07, 2019 - 20:23:19 in News by
  • Visits: 4809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Noocee Ayey Noqon Doontaa Isku Shaandhaynta Laga Sugayo Muuse Biixi?

    Noocee Ayey Noqon Doontaa Isku Shaandhaynta Laga Sugayo Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noocee Ayey Noqon Doontaa Isku Shaandhaynta Laga Sugayo Muuse Biixi?

 


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu sameeyo isku shaandhayn gun iyo baar ah oo saamaysa xukuumadiisa tayo xumaanta lagu dhaliilayo.



Muuse Biixi oo maalmihii ugu dambeeyey shir isla xisaabtan ah la yeelanayey golihiisa wasiirada ayaa la filayaa in isku shaandhayntiisa uu ku soo beego sanad guurada labaad ee ka soo wareegtay markii loo dhaariyey talada dalka.

Image result for muuse biixi

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada balse xogo la helayo ayaa sheegaya inay miiska saaran tahay isku shaandhayn balaadhan oo muuse biixi ku samaynayo xukuumadiisa laba jirsanaysa.


Isku shaandhayntan ayaa la dhawrayaa qaabka ay u saamayso xilalka tirada badan iyo saamiga dheeraadka ah ee ay haystaan beesha madaxweynaha iyo midka ay gaashaanbuurta ku yihiin siyaasada ee bariga Burco.


Sidoo kale bulshada ayaa dhawraysa in Muuse Biixi xukuumadiisa ka saaro masuuliyiinta aan saamaynta ku lahayn deegaanadooda ee mudada labada sanadood ah horfadhida iyo xubnaha ay dul hoganayaan dhaliiluhu.


Dhinaca kale  Muuse Biixi ayaa laga dhawrayaa in isku shaandhayntiisani ay ka jawaabto tabashada balaadhan ee laga muujinayo saami qaybsiga xukuumadiisa.

Loading...
Loading...