Xukuumada Muuse Biixi Oo U Jawaabida Dr. Gaboose La Gashay Shirkii Ka Qabsoomay Buurta Gacan Libaax

0
Thursday November 07, 2019 - 20:21:11 in News by
  • Visits: 3969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo U Jawaabida Dr. Gaboose La Gashay Shirkii Ka Qabsoomay Buurta Gacan Libaax

    Xukuumada Muuse Biixi Oo U Jawaabida Dr. Gaboose La Gashay Shirkii Ka Qabsoomay Buurta Gacan Libaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo U Jawaabida Dr. Gaboose La Gashay Shirkii Ka Qabsoomay Buurta Gacan Libaax


Hargeysa(HWN):- Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo xukuumadiisa ayaa wali ku hawlan sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen eedaymo miisaankooda leh oo siyaasi Dr. Gaboose tunka u saaray madaxweyne Muuse Biixi.

Kulmiye Oo Dhalliilay Go'aammadii Gacan-libaax


Jawaabaha ay xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ka bixinayaan eedaymaha Dr.Gaboose oo u muuqda qaar jaah habawsan oo kolba meel ku dhacaya, ayaa gaadhay inay dib ugu noqdaan shirkii beelaha Garxajis ee ka qabsoomay buurta Gacan Libaax.


Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo isku dayey inuu ka jawaabo eedaymihii Gaboose ayaa isku qaaday shirkii ka qabsoomay buurta Gacan Libaax.


Hada Iyada oo laga sugayay in xukuumadda Kulmiye fuliso go’aammadii ka soo baxay shirkii beelaha Garxajis ku qabsadeen buurta Gacan-libaax ayaa xisbiga Kulmiye waxa uu go’aammada shirkaasi ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee shir beeleed ka soo baxa.


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay in aanu waligii arag go’aammo noocaas ah isaga oo u jawaabayay Dr Gaboose oo xukumadda dhalliilay waxa uu yidhi "Wuxuu ka mid ahaa Gaboose raggii Gacan-libaax abaabulayay ee go’aammada aadka u khaldan ka soo saaray. Waligay ma arag shir ay beel Soomaaliyeed(Somaliland) ku shirto oo aanay Somaliland ku taageerin shirkii ugu horeeyay ayuu ahaa,” Sidaas ayuu yidhi masuulkan u hadlay xisbiga Kulmiye.


Waxa uu hadalkiisu imanaya xilli bulshada ku shirtay Gacan-libaax wali naawilaysay in wax laga qabto qodobo dhawr ah oo shirka ka soo baxay kuwaas oo ay xukumada Kulmiye kaga codsanayeen arrimo ay ka mid tahay saami qaybsiga iyo caddaaladda dalka in la hagaajiyo.

Loading...
Loading...