Waa Kuma Taliye Ku Xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire?

0
Thursday November 07, 2019 - 16:44:27 in News by
  • Visits: 8582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Taliye Ku Xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire?

    Waa Kuma Taliye Ku Xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Taliye Ku Xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire?


Waa kuma Taliye xigeenka cusub ee ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland ee madaxwayne Biixi magacabay. Waxa madaxa waynaha Somaliland uu maalintii salaasada ee bishu ahayd 5th Nov 2019 uu magacaabay taliye iyo taliye xigeen ciidanka booliska uu yeelan doono ka dib markii uu geeriyooday tayihii ciidanka booliska taliye xigeenkiina xanuunsaday. Haddab waxaynu ku eegayna taariikh nololeedka taliye xigeenka ciidanka booliska loo magacaabay.




Cabdi Xasan Mirre Faarax wuxuu ku dhashay magaalada Hargeisas 21st Nov 1955, wuxuu tacliintiisa bilaabay sanadkii 1966kii wuxuna dugsiga hoose dhexe iyo sareba ku soo qaatay dugsigii Police Boys Brigade ee mandheera. Wuxuu ciidanka booliska ku biiray sanadkii 1970 (Somalia ).


Muddadii shaqada ku jiray wuxuu bartay waxa ka mid ah :-


2005 wuxuu bartay Crime Scene Management oo ay bixisay Metropolitan police of London specialist crime directorate.


2006 wuxuu bartay Serious crime investigation oo ay bixinaysay Metropolitan police of London
2007 wuxuu baray Leadership, Command and management skills oo uu ku qaatay dalka gudihiisa bixisayna UNDP.




2009 wuxuu bartay Somaliland Police Leadership program oo uu ku qaatay dalka Ethiopia waxana bixinasay National Policing improvement agency (NPIA) oo ka tirsan International Academy Bram shill.


2012 wuxuu bartay International cooperative in the investigation and prosecution of offences committed at sea. Oo uu ku qaatay dalka Uganda.


2013 wuxu dalka UK magalada London ku bartay Terrorist finance investigation


2014 wuxuu dalka UK magalada London ku qaatay course : Firearms commander.


2014 wuxuu dalka Ethiopia ku qaatay Commander Leadership Oo bixinaysay (JCTTAT) UK.


2017 wuxuu bartay C.I.D training oo bixinaysay European Union (EU).

Wuxuu noqoday qaybta ciidanka ee isgaadhsiinta ‘telecommunication’


1981 wuxuu ka mid noqoday ciidanka booliska ee danbi baadhista C.I.D. Xamar gobalka SHabeelada hoose, kismaayo iyo Marka.


1991 wuxuu ka mid aha ciidankii booliska Somaliland lagu aasaasay wuxuuna saldhiga dhexe Hargeisa ka noqday danbi baadhe.


1994 wuxuu ka mid noqoday ciidanka booliska ee qaybta danbi baadhista C.I.D.


1997 waxa loo magacaabay la taliyaha dhinaca sharciga ee D/hoose Hargeysa.


2000 waxa loo magacaabay taliye xigeenka 2aad qaybta booliska gobalka saaxil (Berbera).


2002 waxa mar labaad loo magacaabay la taliyaha dhinaca sharciga ee D/hoose Hargeysa


2004 waxa loo magacaabay taliye xigeenka 2aad ee ciidanka C.I.D Somaliland.


2007 waxa loo magacaabay taliyaha ciidanka booliska Gobalka Sool.


2009 waxa loo magacaabay taliye xigeenka 1aad ee ciidanka booliska C.I.D Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii qaybta counter terrorist Unit (CTU) ee booliska.


2017 waxa loo magacaabay taliyaha ciidanka booliska qaybta Bariga Hargeysa isaga oo darajada ciidanka booliska ka gaadhay gaashaanle sare.


2019 waxa loo magacabay taliye xigeenka 1aad ee ciidanka booliska Somaliland.

Loading...
Loading...