Qofna Islama Yaabo ilayn Af-Dulaaq Baaba Dr Gaboose Wax Ka Sheegaaya'e ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday November 07, 2019 - 09:04:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofna Islama Yaabo ilayn Af-Dulaaq Baaba Dr Gaboose Wax Ka Sheegaaya'e ( Abdi-Shotaly).

    Waa duni aakhir-sabaan iyo amuura-heed, lase yaabi maayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa duni aakhir-sabaan iyo amuura-heed, lase yaabi maayo,
oo horaa loo yidhi " Af-noolina wuu hadlaa, eyna wuu ciyaa" bal in nin liitaa doobta ridaayo, waxad ku garrataa, Ka hor joogaha looga dhigay " Wasaaradda doqon ma weydo", waa ka sare ku qorane,  baa wax ka sheegaaya Dr Gaboose, oo aan illaah-ba miisaan wadda saarin, cidi usageed sinaba ula sinayn, waase daciif iyo caadaddii, waayo weligeed-ba nin aanay keba-hiisa gaadhayn, baa ey ka daba qayliya oo loo diraa ( sidda af-dulqaa). Mohamed Cabdi Gaboose, wuu ka weyn yahay been nin laga sheego iyo wax aan jirin, waa dhakhtar caalami ah, oo aan been iyo khiyaali ku ceeshin, tuug ahayn, illaah miyir, maskax, aqoon, garasho, xil kasnimo iyo dareen qayrul caadi ah uu ku manaystay. Lagu sheegi maayo xad-tooyo xoola dad weyne, waa waayo'arag siyaasi ah, oo somaliland ruux barbar imanayaa aanu jirin, wuxu haysan jirey dhakhtarkii digfeer ee xamar, wuxuu ahaa wasiirkii caafimaadka ee maamulkii Somaliya, wuxu xubin muhiim ah ka ahaa Golahii dhexe ee SNM, ( Af dulaaq Sucuudiga markuu soo Xadayey), waa la og-yahay in uu lacag la soo baxsaday, oo aanu Geli karin Sucuudiga, Gaboose, wuxu ahaa Wasiirkii Arimaha gudaha ee (Ihun) Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal. wuxu furtay laba xusbi oo kala ah Sahan iyo Ummadda, labadaba waa loo tashaday oo laga reebay si aanu u soo bixin, waayo nin cad-kiisa la cunayo maaha, wuxu mar kale noqday misana Wasiirka ugu horeeeyey ee Arimaha Gudaha, maamulkii uu madax-weyne Siilaanyo  waday ( Illaah caafimaad ha siiyo'e). Bal intaas oo dhan wuxu ka haystaa kaadh nadiif ah, xalaal ah, waana ceeb ka saliim, sidda af-dulaaq meel kasta jidh-kiisu njiaas maahee, weligiina xaaraan muu afka saarin.

 

Wakhtiga baa iska caynka ahoo, af-dulaaq wuxu ka dhigan yahay, murti Hore loo yidhi oo ahayd " Riyaha ceeb-toodu debedda taalo, baa idaha asturan la yaaba"  Isaga oo halkii la saraaba ay ceeb dareerayso, malaxi dinisayso, kaaga soo uraaya  bidhaan arag, baa ku turtay maana Dr Gaboose. Haday tahay tuuganimo, nacasnimo, dhataq-lanimo, qabiilayste ka ugu xun, awr-kiraale ah, buu nasiib darradda jirta, ilayn waa wax aan xayo lahayne iyo xishood mid-naba'e, uu Dr Gaboose oo siduu daba uga baydhay xoogiisa cunaayey, ah dhakhtarka ugu weyn ee Somaliyi leedahay, weliba ka keliya ee ku takhasusay Maskaxdda bani'aadamka ee qudha ah, uu doonayaa in uu wisikh-diisa ka dareeraysa uu marmariyo, akhristaw saw waxaan meesha qaban iyo u qaadan waa maaha. 

 

Nin baa laga hayaa "  Hadaan cali uraayaw ceeba-haaga geline". Waa duni ninkii ragga ahaa, ay injiri rifasaaye sidda Gaboose, oo weliba loogu sacab garaacaayo, oo runta la leeyahay maxaad u sheegaysaa, ee aad sira-hayaga u qarxinaysaa, waa duni aan ku kala socon sharci iyo sidda loo kala mudan yahaye, oo nin liita iyo laguma dhaamee dhaqaaq, ay calanka ka lulayaane, af-dulaaq daayoo ( isagu dad-ba maahee), ninka aqoon iyo cilmi ugu imanaaya Dr Gaboose ee Maamul Hargeysa ku nooli waa kee? Tani nin u jira inta cirka iyo dhulku isu jiraan, oo aan barbar iman karin, bay isku dhereri-saaye, miyeynu ka siisanaa Af-dulaaq baaba xumaan ku sheegaaya Dr Gaboose, oo rabbi u dhameeyey wanaage. Waa nin daacad ah, oo aan ku dhaqmin qabyaalad, tuuganimo, eex kala saarta ummadda, iskii u shaqaysta, wax yaabo badan u qabtay dalka, oo lacagtii faraha badnayd ee debedda loogu diri jirey dadka u badbaadiyey, waa nin Alle yaqaane, oo xoogiisa ku nool, wax uu dadka taro mooyee, aan wax-yeelaynin. halka uu af-dulaaq hantidda ummadda ka dhistay daaraha waaweyn, bal halkuu ka shaqeeyey, ha soo sheego, lacagtii uu Sucuudiga kala soo baxsaday-na, waa tii kaga dhamaatay, siduu geed qaad ah u cunaayey, Wasaaradda " Doqon ma waydo-na" aqoon iyo raganimo kumuu iman, ee awr kiraa-lanimo, qaraabo-kiil, iyadda oo loo adeeg-sado, nin uu afka la dhaco rag sharaf leh, war-baahinta oo la yidhi cabudhi, sidda Hadhwanaag iyo Jaraa'idka qaar oo uu xanibay, iyo TV-yadda gaarka loo leeyahay. Waxan ku soo dabray, haday cidi isla yaabi lahayd, waa adiga kii is aasi lahaa, ee is baro waxad tahay, inta aanad hantaaticin, cantabadda ha daadine.

 

* N.B Af Noolina Wuu Hadlaa Eyna Wuu Ciyaa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...