Haweeney Lagu Eedeeyay In Ay "Aflagaadeysay" Trump Oo Xil Loo Doortay
Juli Briskman sawir laga qaaday markii ay arrintaas sameynaysay ayaa si weyn u baahay sannadkii 2017-kii, taas oo sabab u ahayd in qandaraas ay dowladda kula jirtay uu burburo.
Haweeneydan oo aan la qabin waxay heshay boqolkiiba 52% codadkii la dhiibtay, si ay u noqotay wakiilka degmo ka tirsan Loudoun.
Xisbiga Dimuquradiga ayaa si buuxda ugu guuleystay dhammaan kuraasta deegaanka ee gobolkaa Virginia.
Sawirka oo laga arko Ms Briskman oo baaskiil wadata "oo farta dhexe u taageysa Trump" oo gaari saaran, wuxuu qabsaday baraha Internet-ka oo dhan bishii October ee 2017-kii.
Xoogaa ka dib, Ms Briskman sawirka ayey saaratay bareheeda Bulshada.
Shirkaddii
ay u shaqeyneysay oo lagu magacaabo Akima LLC, waxay sheegtay in sawirka uu
yahay "xumaato" iyo "fisqi", waxayna shaqada ka ceyriyeen
haweeneyda oo ay ku eedeeyeen in shuruucda baraha bulshada ee shirkadda ay
jebisay, waa sida ay iyadu u sheegtay Barta Huffington Post.
Xilligaas, shirkadda kama aysan jawaabin dalabkii BBC ee ahaa in ay ka hadlaan arrinta.
Ms Briskman waxaa la sheegay in ay ahayd falanqeeye arrimaha suuqa oo ay u qaabilsanayd Shirkad dowladda ay leedahay. Waxay haystay qandaraas lix bilood ah, laakiin waxay sheegtay in aysan ka shallaayin in astaantaas ay u muujiso madaxweynaha.
Talaadadii, Ms Briskman waxay guusha doorashadeeda ugu dabaaldegtay in sawirkii ay dib ugu soo celiso baraha Bulshada.
Ms Briskman waxay wakaaladda wararka ee
AFP u sheegtay in ololeheeda ay aasaas uga dhigtay horumarinta waxbarashada,
xuquuqda dumarka iyo arrimaha deegaanka.
Waxay intaa ku dartay in ololeheeda uu muujiyay in ay dhaafsiisan tahay "qofkii baaskiilka waday ee madaxweynaha 'farta dhexe u taagay'.
Natiijada ka soo baxday doorashada Gobolka waxay u dhigantaa in Dimuquraadiga ay si buuxda u qabsadeen golaha deegaanka Virginia, markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.
BBC