Xisbiyadda WADDANI IYO UCID oo soo dhaweeyay Heshiiska Nabadeed ee Beelaha Ceel afwayn wada gaadheen

0
Wednesday November 06, 2019 - 16:53:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda WADDANI IYO UCID oo soo dhaweeyay Heshiiska Nabadeed ee Beelaha Ceel afwayn wada gaadheen

    Xisbiyadda WADDANI IYO UCID oo soo dhaweeyay Heshiiska Nabadeed ee Beelaha Ceel afwayn wada gaadheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadda WADDANI IYO UCID oo soo dhaweeyay Heshiiska Nabadeed ee Beelaha Ceel afwayn wada gaadheen
Hargaysa(HWN):-Xisbiyadda mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa bogaadiyay Cadceedda nabadeed ee ka bidhaantay deegaanka Ceel Af-wayn, waxaannay Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ugu baaqeen inay wanaagaas ku taageeraan Odayaasha deegaankaas, isla markaanna ay ka daayaan qorigooddii dabka lahaa.Hargaysa(HWN):-Xisbiyadda mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa bogaadiyay Cadceedda nabadeed ee ka bidhaantay deegaanka Ceel Af-wayn, waxaannay Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ugu baaqeen inay wanaagaas ku taageeraan Odayaasha deegaankaas, isla markaanna ay ka daayaan qorigooddii dabka lahaa.


Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Battuun "Annagoo ah Xisbiyadda WADDANI iyo UCID waxaannu si wayn u bogaadinaynaa hawshii qiimaha lahayd ee shalay ka dhacday deegaanka Ceel-afwayn. labadda reer ee Walaalaha ah ay ku gaadheen heshiiskii taariikhiga ahaa, kuwaasoo oo ay hor kacayeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan, runtii waxay ahayd wax lagu diirsado oo lagu farxo, waxaannu mar labaad hambalyaynaynaa Odayaashaas isku Xil qaamay inay joojiyaan dhiiggii dadkoodda ee qubannaayay.

innagoo ku hadlaaya afka Xisbiga iyo afka guddoomiyaha waxaan jecelahay inaan baaq u diro dadkaas Walaalaha ah, waxaan leeyahay waxaad tihiid hilbo wada dhashay, waxaad tihiin dadk isku deegaan ah, waxaad tihiin ummad uu ILLaahay meel ku wada abuuray. Haddii Xukuumadda WADDANI timaado waxaanu jecel nahay inaanu Noloshiina sarre u qaadno, ma doonayno inaanu Warmo iskugu kiin dhiibno,qoladdaas KULMIYE ee hawshaas waxba ka qaban kari waayay, maaliyaddii iyo Milatarigiiba isticmaallaaya, waxaannu leenahay Odayaashaas wanaaga ay waddaan ku taageera oo kaddeedkiinii iyo qorigiinii dabka lahaa hala dhex-gelinna. ugu danbayna waxaan hambalyaynayaa Cabdiraxmaan Aadan Shirre oo ahaa ninkii akhrinnaayay qoddobadii heshiiskaas.

Sidoo kale waxa isagunna halkaas ka hadlay Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa sheegay inay shirkan jaraa'id u qabteen inay Hambalyo u diraan cadceedda nabadeed ee ka soo baxday deegaanka Ceel afwayn, waxaannu yidhi "Waan bogaadinayaa Odayaasha ay kala hogaaminayeen Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan, waxaan leeyahay somaliland oo dhan baa idin ducaynaysa.
Xukuumadda waxaannu ugu baaqaynaa Xabad joojintaa ka dhacday Ceel afwayn kaalin wayn baad ku leedihiin, qoddobadda qaar idinka khuseeya ayaa ku jira heshiiskaas, waxaannu leenahay waar ka soo baxa oo Masuuliyaddiina garta, shacab iyo xukuumad waxa loo baahan yahay in heshiiskaas la barbar is-taago" Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Hargeisa, Somaliland
Hadhwanaagnews,Office




Loading...
Loading...