Ilhaan Cumar Oo Lacag Ugu Deeqday Dadka Ay Fataahadaha Saameeyeen Ee Soomaaliya

0
Wednesday November 06, 2019 - 15:04:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Lacag Ugu Deeqday Dadka Ay Fataahadaha Saameeyeen Ee Soomaaliya

    Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka

ayaa ka qeyb qaadatay munaasabad lacag loogu uruurinayay dadka ay fataahadaha saameeyeen ee ku nool magaalada Beledweyne.


Ilhaan waxay sheegtay in ay ka xun tahay khasaraaha gaaray dadkaas.



"Caawa waxaan kusoo talagalay in aan ka qeyb qaato taakuleynta...laakin waxaan maqlay ciyaalkaaga badbaadso ama haddii aad dano leedahay duco haluugu daro, haddii uu dhib ku heysto Ilaahey haka badbaadiyo...marka waxaan rabaa in ciyaalkeyga la iigu duceeyo, dhibaatooyin badan wey heystaan markaa waxaan bixinayaa ilaa shan kun oo doolar in aan ku taakuleeyo dadka walaalaheena" ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.


Ilhaan Cumar waxay horey ku baaqday in howlaha gurmadka laga qeyb qaato si loo caawiyo dadka ay fataahadaha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.


Dhiibatada ka dhalatay daadka uu webiga Shabelle ku fatahay magaalada Beledweyne ayaa keentay in Soomaali badan oo gudaha iyo dibeddaba ku nool ay isu xilqaamaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi.


 

BBC

Loading...
Loading...