Akhriso Magacyada Guddida Ay Somaliland U Magacawday Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadaha Wabiyadu.
Hargeysa(HWN):-Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay guddi u xilsaaran inay ururiyaan qaadhaanka loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiyadu ee magaalagada Beledweyn ee soomaaliya.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa ku dhawaaqay magacyada guddida u xilsaaran ururinta qaadhaanka la gaadhsiinayo dadka ku dhibaataysan magaalada Beledweyne isla markaana ay saameeyeen fatahaadaha wabiyadu.
Guddida la magacaabay ayey magacyadoodu kala yihiin.
1.Jamaal Caydiid Ibraahin Gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland.
2.Kayse Shugri Jaamac oo ka socda Daryeel
3.Maxamed Axmed Faarax
4.Sheekh Ciise Maxamuud Cabdilaahi
5.Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ka socda Dahabshiil Group.
6.Sheekh Maxamed Cali Geedi
7.Sheekh Axmed Aadan Buuxane
8.Cabdiraxmaan Axmed Buuxane
9.Cabdiwahaab Maax Maxamuud oo Telesom Group ka socda.
10.Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
11.Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
12.Xasan Axmed Xuseen oo ka socda Sompower.
13.Suldaan Axmed Xasan Jaamac
14.Cali Ibraahin Ciise oo ah gudoomiyaha Waraabe group.
15.Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole
16.Dr. Farxaan Liibaan Axmed oo ka socda Liibaan Company
17.Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
18.Abwaan Yuusuf Shaacir
19.Xamse Cumar Kujoog
20.Cabdirisaaq Cismaan Maxamed oo ka socda Hass Petrole