Ujeedada Kulan Dhexmaray Raysal Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark
mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka.
Wasiirka arrimaha
dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in
iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada,
argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta
galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in
carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.
Jeppe Sebastian Kofod
oo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo
qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka argagaxisada, iyo
dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in Dowladda Denmark
ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada
xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha
Ra'iisul Wasaare
Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah
ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in
Soomaaliya ay ka go'antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer
ee labada dowladood.
Bishii October ee
sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta
iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku
yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda
Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.
---DHAMMAAD----
Xafiiska
Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho,
Soomaaliya
www.opm.gov.so