Wasiirka Ganacsiga Oo Dusha Loo Saaray Inuu Ka Dambeeyo Xaaladaha Ka Taagan Awdal

0
Wednesday November 06, 2019 - 12:43:17 in News by
  • Visits: 1573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Oo Dusha Loo Saaray Inuu Ka Dambeeyo Xaaladaha Ka Taagan Awdal

    Wasiirka Ganacsiga Oo Dusha Loo Saaray Inuu Ka Dambeeyo Xaaladaha Ka Taagan Awdal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga Oo Dusha Loo Saaray Inuu Ka Dambeeyo Xaaladaha Ka Taagan Awdal


Hargeysa(HWN):-Siyaasiga Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Muxumed ayaa wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ku eedeeyay inuu ka hor istaagay beeshooda inay tabashadooda madaxweyanaha kala hadlaan, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in isaga ay u taalo xalinta dhibaatada beelaha Somaliland ay tirsanayaan.

Image result for wasiirka ganacsiga somaliland saajin


Wasiirkan hore ayaa isaga oo la hadlaayay warbaahita waxa uu yidhi " Wasiirka la yidhaahdo Sacad oo gobaka Awdal ka soo jeeda isaga oo ka hadlaaya meel xaflad ah waxa uu ku daray hadalkiisii in aan loo baahnayn jabhado ee loo baahan yahay mushkilada siyaasiga ah ama tabashada lagu xaliyo wada hadal, runtii siyaasada ragaadiga ah ama buuqa siyaaadeed waxaan qabaa inuu ka mid yahay isagu, ninka masuulka ah ee qaranka waxa ay masuuliyadiisu tahay inuu qaranka iyo reerkiisa xidhiidhiyo 2018 ayaa uu madaxweyne Muuse Biixi tagay qalinjabintii Camuud waxa uu joogay madaxweynuu mudo laba habeen ah waxaan ka hawl galay in beesha aan ka soo jeedo ee reer Nuur inay madaxweynaha la kulmaan oo ay tabashadooda iyo dhibaatada ay qabaan, marna waxaan nahay dawlad marna reero dawladuna waxay ka koobantahay reero isku tagay reerahuna waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybgalaan khayraadka dalka tabashadoodii inay inay u gudbiyaan isaga iyo kooxo kale oo ku taageerayay waxay ka horjoogsadeen inay madaxweynaha la kulmaan.”


Waxa uu sheegay in wasiirka ay u taalo inuu xaliyo dhibaatada uu Suldaankiisu uu Boorame ka gaystay "Waan ka xumahay imika Suldaankii adiga raaskaaga ahaa ayaa mushkiladii ugu badnayd ka sameeyay Boorame waxaan ku odhan lahaa taasna adigu xali.”


Siyaasiga Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Muxumed ayaa sheegay in madaxweyne Biixi looga baahan yahay inuu xaliyo dhibaatooyinka beelaha cabanaaya ee reer Somaliland galbeed iyo bariba.

Loading...
Loading...