Somaliland: Masuul Shaqaalihiisii Oo Bilaa Mushahar Ah Soo Iibsaday Qalab Qaaliya

0
Wednesday November 06, 2019 - 09:13:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Masuul Shaqaalihiisii Oo Bilaa Mushahar Ah Soo Iibsaday Qalab Qaaliya

    Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha hay'adda barakacayaasha iyo qaxootiga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha hay'adda barakacayaasha iyo qaxootiga Somaliland,
Cabdikariim Axmed Xinif ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in shaqaale in ka badan laba bilood aan mushahar qaadan, haddana goobtii ay ka shaqaynayeen lagu dayactirayo qalab ku kacaya adduun lacageed. Guddoomiye Xinif oo shalay ka hadlayay munaasibad lagu dhagaxdhigayay mashaariic dhismeyaal iyto qalabayn ah oo loo hirgelin doono madbacadda qaranka, ayaa wax aan macno badan samaynayn ku tilmaamay qalab iyo dhismeyaal cusub oo la hirgeliyo iyadoo uu kheyraadka ugu weyn, uguna muhiimsan goob shaqo oo ah shaqaalaha ay mushahar la’ yihiin.


 

"Ama mishiinno keen, ama daaro dhis, ama laamiyo dhisoo, waxaasi wax weyn masoo kordhiyaan haddii aan la haynin ciddii ku shaqaynaysay, shaqaaluhu haddaanu daryeelba hayn, qalabkaasi waa birahaasi meesha yeela oo aan sii oolayn.” Ayuu yidhi Mr. Xinif

 

Guddoomiye Xinif ayaa maareeyaha madbacadda qaranka oo isagu xaflad kharash ku baxay usoo abaabushay dhagaxdhiga mashaariicdan, xili shaqaalahiisu ku mushahar la’yihiin, ku canaantay inuu xaaladda ay shaqaalihiisu ku sugan yihiin. Isla markaana waxa uu ku booriyey inuu ka shaqeeyo sidii uu shaqaalaha uu masuulka ka yahay u heli lahaayeen mushaharaadkooda. "Mudane, waxaan kugula talinayaa shaqaalahaasi halkan soo fadhfadhiya haddaanad ilaalin, haddaanad iyaga horraysiin, haddaanad iyaga daryeelin, haddaanad iyaga shaqada jeclaysiin, haddaanad kalsooni ku abuurin oo aanad la saaxiibin, mishiinno waxba ku tari maayaan, Milyan ku bixi ama shan boqol ku bixi.

 

Cabdikariim Axmed Xinif ayaa ku jeesjeesay maareeyaha shaqaalahiisu musharka la’yihiin, waxaana uu tusaale ugu soo qaatay, sida uu ula dhaqmo shaqaalihiisa hay’adda barakacayaasha ee uu ugu carbiyey hanaanka shaqo ee wanaagsan.

 

"Anigu shaqaale ayaan xukumaa, waxa ugu yare e aan waydiiyaa, waa maxaa dhaliil ah ee magaalada innoogu jirta, amaantayda ma weydiiyo, haddaad amaantaada weydiiso jar uun baad ka dhici, waa ay kuu guulwadayn oo waxaan jirin bay kuu sheegi. Mar walba waxaan maqlaa laba bilood bay mushahar leeyihiin, saddex bay leeyihiin, shan bilood bay mushahar leeyihiin…..waligayba waan maqlayay, maalintay is daboosho ee bisha shan iyo labaatankeeda uu shaqaalahu mushaharkiisu qaato, way kuu soconaysaa MAXAMUUDOOW ee bil walba shaniyo labaatankeeda ku dedaal inuu shaqaalahaagu uu mushaharka qaato.” Ayuu yidhi Guddoomiye Xinif

Loading...
Loading...