Geeriyeey Maxaad Tartaa? Mid Meel Waayey Ayaan Meel Siiyaa.

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:38:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeriyeey Maxaad Tartaa? Mid Meel Waayey Ayaan Meel Siiyaa.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

Waxaan baraha bulshada ku arkayey dhawrkii cishee u denbeeyey dad badano soo dhigay,waxyaabaad laga xishoodo.

Ayadoo geeridii loo fadhiyo oon gogoshii la laabin weli,ayaa loo tartamayaa JAGADII uu ka geeriyooday Taliyihii boliska

Alle ha u naxariistee Cabdillahi Fadal Imaan.

Waxa la soo dhigay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ay ka muuqato in qof waliba mid reerkooda ah soo xushay.

Waar miyaanay xishoonayn?.

Maxaanse kula yaabi waa dhaqan xumo inagu dhacdaye.

Waxan baraha bulshada lagu soo saydhayo ha la joojiyo waa ceebe.

Ciidamadu waxay leeyihiin habraac ku salaysan aqoom tiro badan,tu gaar ah iyo tu guud,derejo,da’dood waayo aragnimo, seniority iwm.

Mar haddiise qabyaalad loo soo xulayo waxaan ku talin lahaa in marxuumkii xaaskiisa ama caruurtiisa Jagada la siiyo, waayo taasaa ka khayr badan.

                                                                                                                                                                                                      Ismail Abdillahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...