Askari Xumaanta Baa Qancisa ( Abdi-Shotaly).
Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku dayr-shaane, oo micna-heedu yahay, inta uu oori nin-keedu nool yahay, haddii ay dumaashi-geed u taqaano doqon ama nacas, oo nin-keeddii tii alle ku timaado, waa habeenkii xalay in uu dumaalo ugu yimaado, waayo waa la is yaqaanaa. Waa sidaas raggii-raga ahaa markay meesha ka baxeen, somaliland waxa kufsaday kuwii laga ilaali-naayey, ee dhul-jiifka gocorka ahaan jirey. isna Tim-cade (Ihun) waakii lahaa " Sidda naag marwo ah, oo nin-keeddii mudnaa, mawdku kala qaaday, oo macango liitaa u hadhay, oo yeeshay meger-keedda, oo inay ka meer-meeri-yaan, magane doonsysa, madoobaa-dayeey xalay, miyey murugtay laab-taydu" Dalkii sidaas u sheegay Tima-cade, waxa uu u gacan galay mid macanga-nimaddii ku sii darsaday, Aqoon la'aan, cuqdad, cadawnimo, nacasnimo, maskax darro, tuuganimo iyo farsama xumaan, dhego la'aan iyo reer la colaw. waa maafish aan geeriddii Nebiga ogayn (csw), Waxa meesha isku biirsaday waa intii laga wacnaa ee la yasi jirey. Waxa la yidhi " Shimbir-ba shimbir-kiisa buu la duulaaye" Bal waxad qiyaas-taan kuwa uu u shir tegaayo " Raggii ma adigaa ka hadhay". saw reer ba'aw yaa ku leh maaha iyo wax aan sinaba u jirin.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, ummad yahay. Sideeda-ba askarta wanaagu ma deeqo, ee waxa ganciya xumaanta iyo in dabadda soodh laga geliyo. Akhristaw, ma hayno oo hore uma soo marin aduunkan, askari ka taliya wanaag, xaq iyo oo food xalaal ah ku dhiibay kursi, waxa keliya ee ay yaqaanaan budh lagu garaaco, ka dib-na wuxu wax ku gartaa oo qudja, in xumaha uu doonaayo la taab-siiyo. Sidda taariikh-du inoo sheegayso, markaad oofaha ka jebisid ee uu kaa ledi waayo, buu nafta la cararaa, isaga oo maradiisa aamini la'. wax-ba yaan kugu daaline, abkii askari kii ugu macangeg-sanaa, ugu aqoon darraa, ugu farsamo xumaa, ugu maskax la'aa, ugu cuqdad badnaa, ugu liitay, ugu sii dareen yaraa, ugu damiir karibnaa, ugu damiin-sanaa, ugu garasho liitay, dadnimo lahayn, dhego xidhnaa, ee ka guuraaga aan loo hoyan ahaa, silic ku korka ku kacaamay, reer hebel mooyaane aan gorgor kale-ba eebe ugu shubin madax dul saaran, wuxuu xeeriyo daayo, qudhun walaaqanaaya, dhateqle ah, markuu hadlo-ba gobol ama beel iskala fuulaaya, baa ilaah ku boqon gooyey somaliland ( Waa good for nothing). horaa-se loo yidhi " Geeriyeey maxaad tartaa" oo ay ku jawaabtay " Nin meel waayaan meel u baneeyaa" waa sidda maanta taagane, ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" ay geeridu kursiga tidhi xoog ku fuule, waxa-se la yidhi lib ragii lahaa joogaan ha isi siine, Weli waa nool yihiin kuwii ku karbaashi jirey, ee dalkan xoreystay, Waa labadda Mujaahid ee kala ah Axmed Mire iyo Ibrahim dhego weyne, oo dhoosha ka qoslaaya, leh-na aduun-yooy xaalkaa ba', labaddii aynu ogayn baa dad hor taagan, oo leh wax baan maamulaa.
* N.B Ninkii Ba'naayaw Lagu Fasax!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!