Soomaaliya Oo Bil Kadib Ku Dhawaaqi Doonta Shatiga Shidaal Dhan 30 Bilyan Oo Foosto

0
Wednesday November 06, 2019 - 08:02:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Bil Kadib Ku Dhawaaqi Doonta Shatiga Shidaal Dhan 30 Bilyan Oo Foosto

    Dowladda Soomaaliya ayaa bisha dambe ee Disembar ku dhawaaqi doonta qorshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa bisha dambe ee Disembar ku dhawaaqi doonta qorshe

ay dooneyso in ay ku bixiso shatigii ugu horeeyay ee shidaalka iyo Gaas-ka laga sahmiyay xeebaha dalka.

Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in ay soo jiidato shirkadaha maalgashiga.




Xilli shir ku saabsan shidaalka iyo Gaas-ka uu ka socdo dalka Koonfur Afrika ayaa wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.


"Waxaanu soo bandhigeynaa ilaa 15 xirmooyinka shidaalka ah," ayuu yiri Cabdirashid Maxamed Axmed oo ku sugnaa Magaalada Cape Town.


Waxaa kale oo uu sheegay in maclumaadka la xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.


Wuxuu intaa ku daray in halka laga helay xirmooyinka cusub ay ka fog yihiin xalka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.


Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in burcadda xeebaha Soomaaliya ku dhibaateyn jirtay haatan la sifeeyay.

"Soomaaliya waxaa horay loogu yaqiinay burcad badeed, argagixiso iyo xasilooni daro , dowladdana waxaa ay wadaa dedaal lagu xasiinayo dalka," ayuu yiri wasiir Axmed.


Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in fursad shaqo ay u noqon doonta dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in da' yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda, qeybna ka qaataan ammaanka dalka.


"Waxaa jira nidaam aan ku heshiinay oo dhigaya in haddii aan soo saarno shidaal, aysan dhici doonin dhibaato ka dhalata," ayuu raaciyay wasiirka oo wax laga weydiiyay bal in ay ka digtoonaadeen dhibaatooyinka ka dhasha shidaalka, maadama uu dhibaato u horseeday dalal badan oo caalamka.


Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doonaa sharciga shidaalka, kaas oo haatan horyaala aqalka sare ee dalka.


Soomaaliya ayaa bilo kahor markii ugu horeesay muddo 30 sano ah dhaqaale ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.


Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhawaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.


"Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xirmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay ijaarka xirmooyinka ay haystaan", sidaas waxaa bil kahor BBC-da u sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.


Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta ijaarka xirmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell/Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.


Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.


Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.


"Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada" ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.


Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa'ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

 

BBC

Loading...
Loading...