Jawaab Ku Socota Mohamed Cheers ( Abdi-ShotLy).

0
Tuesday November 05, 2019 - 17:42:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Ku Socota Mohamed Cheers ( Abdi-ShotLy).

    " Soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefaysaa", Waxay ahayd murti hore loo yidhi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Soo bax baa la leeyahay oy sacabka leefaysaa", Waxay ahayd murti hore loo yidhi,
loona daliilsado, ruux wax uu si cada u arko, misana siddii sakaaradda aas-aasa, oo xaqiiq-dda jirta dhaayaha ka lalinaaya, isaga oo is leh bedel wax indha-hiisu ujeedaan, ee sidda wacan ay u tusayaan, misna doonaaya in uu dhan kale u indha-saabo. waxan leeyahay Mr Mohamed Cheers ninka la yidhaaho, ee hadhwanaag wax ku qora ( qaybta faalooyinka), inta badana ummadda u sakhira xumaanta maamulka askarta jaho wareersan, ee ku jira guriggii moorgan " Xafad-Tooyadda" ee siddii carsaan-yaddii badda kolba dhanka laga yimaado mooyee, dhinaca kale isu rogi jirey, kunka weji ku kala xadaaya muwaadi-niinta, shicibkii isagoo wadda jira, oo mid ah loo dhiibay-na iska daadiyey, siddii iska-roga dhagax iyo camuud iska daadi-naysa, bal waxa Mr Mohamed Cheers uu ku amaanaayo, cidi usgageed-na ilaah ha ka dhigo'e, ha u sheego ummadda reer Somaliland wax baan qorey uun lama yidhaaho iyo hebel maqaal-kiisa mucaarid ku noqo'e. Aan madaxa kuu saaro waxad u taageeraysid ee aad uumadda ugu qarinay-side, bal is weydii oo ma wax kalaa, miyaanay ahayn beelnimo? Ka daa ummadda aad khsaaraha u hadoodi-laysid.



Waxan ninka sare ku yaala leeyahay, wejiga xine ha ii soo marsan, ee mid qudha yeelo, haysna odhan waxad dedayso cid u qari, lagugu garan-maayo'e. Hadaad dacad ka tahay, oo hor ilaahay u hadla-ysid iyo wadaninimo, oo aad ka naxaysid dadka, waxa aynu isla wadda og-nahay ee beerka ku goiogooyey, waa reer hebel-kiina baa Xukuma ama dan gaar ah ku qaba, waxa keliya ee aad u taageeraysaa maamulka khaladka ku dhashay, kursigana ku fuulay, ee xaaraanta ah, hadana maxaad iskaga dhigaysaa mid u dan leh wanaagga guud? Ee aad u qaban la'dahay cadaaladda darradda, sinaan la'aanta, eexdda loo kala ab-tirinayao iyo kala eriga wadda jir-koodda. Qamaan Bulxan (Ihun), Baa ku yidhi Cali Dhuux, " Caliyaw Da'daan ahay waqaa looma duur-xulo'e, duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dedaa hadal'e, dushaas baan ka garan xaajadaad, dabaqa saar-teene", waxan uga socodaa wixii aabaheen dilay, adoo jeebka ku wata, ha isukay nasikhin. Ha noqon kii uu lahaa Abwaan Gaariye (Ihun) "Markaa hebel duqaysaa, reer hebel damqanayaa, marka hebel duryaabaa laga daba qufacayaa" hargab xun baa ku haya oo reer hebel ah, ee is dawee.


Mr Mohamed Cheers, waxan ku odhan lahaa, Shaadirka aad ku khaldayso ummadda, baa Mr Cheers-na uu u xidhayaa hilaab beenta ah balaayadda ay hurinayaan askartu iyo maamul xumidda hargeysa ka taagan, si aan loo arkin, weliba marmar-siiyo ka dhiga-nayaa duruufo baa ku gadaaman iyo wax aan ka soconayn. Su'aashan ka jawaab, Raggii-raga ahaa, waa Riyaale iyo Siilanyo'e, waa kuwii gaadhay Laas-qorey, ee Garoowe 3 mayl u jirsaday, maanta halkay maraysaa xuduuddii? saw sooma koobmin, dhanka bari ma dhaaf-siisana Ceerigaabo, Soola, laascaanood baa cidhiidhi ku jirta goor ay dhacdo-ba, galbeed waxay ku soo xidhmay xadkii gebilay, goosatay Awdal, Saylac-na Jabuuti baa si cad loo siiyey, weliba Xeedhooyin muqmad ah loogu daray, Buuhoodle way ka shubtay, malaayiin baa xaq darro iyo reer hebel u xidh-xidhan, saxaafadi ma jirto, oo waa kuwaa ka yaacay ee Xamar u galay, intii xidhnayd mooyee, intii kale-na car juuq dhaha baa la yidhi, boobka la isuma hambeeyo, ee waxa lagu faanaa intaad maanta soo xareysay ama xaday, bal sheeg ( Qof qudha) kulmiye yimiyoo, ruux soo maray oo aan fooqaq ka dhisanin hantidda ummadda? Waxan ku soo gaba-gabeeyey, Mr Mohamed Cheers ka soo bax khiyaaliga reerka oo " qul al-xaq, walaw kaana muran", sheeg runta xataa haddii ay ku xun tahay beeshaadda, ama jooji waxa aad daaha daba-diisa ibriiqa kaga adimaysid. Gar qaado oday, siddii hal diidaysa kolba geed ha ku xoqane. ka soo bax madawga, oo cadceedda is keen, ha dhuumaalay-sane oo banka is keen.


* N.B Markaad Hebel Duaysaa, Reer hebel Damqanayaa,

Qore:@- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...