War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sarkaal Milatari Ah Oo Uu Booliska Taliye Uga dhigay

0
Tuesday November 05, 2019 - 17:06:24 in News by
  • Visits: 8635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sarkaal Milatari Ah Oo Uu Booliska Taliye Uga dhigay

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sarkaal Milatari Ah Oo Uu Booliska Taliye Uga dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sarkaal Milatari Ah Oo Uu Booliska Taliye Uga dhigay



Wareegto Madaxweyne

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.



Image result for muuse biixi

 

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

2.

Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax

Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

 

 

 







Ujeeddo: Ka-qaadis

 

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Loading...
Loading...