Maxaa Ka Jira In Muuse Taliye Iyo Taliye Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska?

0
Tuesday November 05, 2019 - 15:03:57 in News by
  • Visits: 9567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Muuse Taliye Iyo Taliye Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska?

    Maxaa Ka Jira In Muuse Taliye Iyo Taliye Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira In Muuse Taliye Iyo Taliye Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska?
Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaaciyey in madaxweynaha somaliland uu taliyaha ciidamada booliska u magacaabay  Jeneraal Maxamed Aadan Dabagale oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada qaranka.


Image may contain: Maxamed Cirro, hat and closeup

inkasta oo aanay madaxtooyada somaliland wali si rasmi ah u shaacin magacaabida taliyaha cusub ee ciidamada booliska somaliland, hadana qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada ayaa bogaga ay ku leeyihiin baraha ay bulshadu ku kulanto ku baahiyey hambalyo ay u dirayaan taliyaha cusub ee ciidamada booliska.

gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha dawlada Farxaan Aadan Haybe ayaa ka mid ah masuuliyiinta baahiyey dhambaalka hambalyada ah.

gudoomiye Farxaan ayaa qoraal uu baahiyey ku yidhi:-



sidoo kale warar soo baxay ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in madaxweynaha somaliland uu taliye ku xigeenka ciidanka booliska u magacaabay Cabdi Xasan Mire oo hore u uga tirsanaa saraakiisha laanta dambi baadhista ee ciidanka booliska.

Loading...
Loading...