Somaliland Oo Cadaysay Sida Ay U Aragto Khilaafka U Dhaxeeya Kenya Iyo Soomaaliya

0
Tuesday November 05, 2019 - 14:58:00 in News by
  • Visits: 3074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Cadaysay Sida Ay U Aragto Khilaafka U Dhaxeeya Kenya Iyo Soomaaliya

    Somaliland Oo Cadaysay Sida Ay U Aragto Khilaafka U Dhaxeeya Kenya Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Cadaysay Sida Ay U Aragto Khilaafka U Dhaxeeya Kenya Iyo Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaanay ugu baaqday labada dhinac in ay wada hadal nabadeed ku dhammaystaan khilaafkooda.


Danjiraha Somaliland u fadhiya xarunta Kenya ee Nairobi Amb Baashe Cawil X Cumar ayaa wax laga waydiiyay khilaafka waxaanu yidhi "Arrintaasi mid inoo taalla maaha. waynu ka wada dheregsanahay in Somalia iyo Kenya bad isku hayaan, waxa kale oo jirta inaga(Somaliland) iyo Somalia in aynu qaddiyad isku hayno oo aynu kala baxayno, waxa aynu isku hayno inaga ayay gaar inoo tahay, iyaga iyo Kenya waxay isku haystaana iyaga ayay gaar u tahay,”Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe oo u waramay bulshtov.

Image result for farmaajo iyo kenyatta


Waxa uu intaasi ku daray in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi "Anigu waxaan qabaa in aanay Somaliland meeli uga bannaanayn khilaafka Somalia iyo Kenya aan ahayn waa laba dal oo jaar ah ee in ay khilaafkooda ku dhammaystaan si walaaltinimo ah waayo hore ayaa loo yidhi jaarkaaga ma dooran kartid, marka haddii ay caynkaa tahay oo aan meel la kala tagayn waxa wanaagsan in walaalnimo iyo nabadgalyo jaarku ku wada noolaadaan ta aynu jecel lahay in ay arrimahooda ku dhammaystaan,”sidaas ayuu yidhi danjire Baashe


Soomaaliya iyo Kenya ayaa kiiskooda muranka baddu horyaalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka. Muqdisho ayaa doonaysa in ay maxkamaddu ka garnaqdo khilaafka halka Nairobi doonayso in wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo arrinta waxaanay u muuqata in mawqifka Somaliland u xaglinayo dhinaca Kenya.


Geesta kale Amb Baashe waxa uu sheegay in aanu khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo xidhiidhkooda xumaaday wax saamayn ah ku lahayn Somaliland, islamarkaana xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ku qotomo xidhiidhka soo jireenka ahaa iyo kan la doonayo mustaqbalka ee la sii xoojinayo.

Loading...
Loading...