Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Doorka Ay Ku Lahayd Wada Hadaladii Dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Tuesday November 05, 2019 - 14:48:26 in News by
  • Visits: 2600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Doorka Ay Ku Lahayd Wada Hadaladii Dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya

    Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Doorka Ay Ku Lahayd Wada Hadaladii Dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Ka Hadashay Doorka Ay Ku Lahayd Wada Hadaladii Dhexmaray Somaliland Iyo Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mr Mevlut Cavusoglu ayaa Axaddii sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay taageerada Turkiga si looga hirgeliyo degenaansho siyaasadeed, dib loogu dhiso ciidamadeeda ammaanka loona abuuro jawi saamaxaya in horumar dhaqaale ka hano qaado.

Turkiga Oo Ka Hadlay Arrinta Somalia & SomalilandTurkiga Oo Ka Hadlay Arrinta Somalia & Somaliland


Wasiirka oo ka hadlayay kulan taageeridda Soomaaliya lagaga hadlayay oo ka dhacay caasimadda Qadar ayaa sheegay in ay waajibaadka umadda tahay in Soomaaliya la taageero iyada oo wixii khilaaf ah dhinac la iska dhigayo si kor loogu soo qaado meeqaamka Soomaaliya ee Dunida.


Wasiirku waxa uu sheegay in Turkigu ka qayb qaato dhammaan dadaallada Soomaaliya wax lagu tarayo ee laga wado caalamka.


Waxa uu waxqabadka Turkiga ee Soomaaliya ku daray wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Turkiga lagu qabtay "Waxaanu door fududayn iyo dhexdhexaadin ah ku lahayn wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Mevlut Cavusoglu oo intaasi raaciyay in Soomaaliya doorashadeeda 2020 tahay mid ahmiyad leh oo jid horumar u horseedaysa Soomaaliya.

Dawladda Somaliland ayaa inta badan aamminsan in aanay dhexdhexaad ka ahayn dawladda Turkigu wada hadalka Muqdisho iyo Hargeysa waxaana muuqata in Turkigu waxqabadkiisa Soomaaliya ku daray arrinta wada hadallada.


Loading...
Loading...