Suxufi Fallanqeeya Afrika oo ka Warramay Siday Somaliland ugu Qalanto Aqoonsi

0
Friday February 01, 2019 - 19:34:33 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Fallanqeeya Afrika oo ka Warramay Siday Somaliland ugu Qalanto Aqoonsi

    Marka hore aqoonsigu waa inuu ka yimaadaa dhinaca Afrika, kuwaasi oo madaxa u ruxa oo aan diidin Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore aqoonsigu waa inuu ka yimaadaa dhinaca Afrika, kuwaasi oo madaxa u ruxa oo aan diidin Somaliland
Hargeysa(HWN)-  Bill Snaddon oo ah Suxufi caan ah oo madax-bannaan oo wax ka qora Arrimaha Qaarada Afrika,  ayaa  Warbixin dheer kaga warramay siday Somaliland u istaahisho in loo aqoonsado dal  Madax-bannaan.

Warbixinta Weriye  Bill Snaddon kaga hadlay Somaliland  oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), soo turjuntay maanta wuxuu ciwaan uga dhigay  "Waa Maxay  Sababta ay  u tahay Wakhtigii  Somaliland iyo Somalia ugu kala baxi lahaayeen si saaxiibtinimo leh?.” Waxaanay u qornayd sidan:-


"Somaliland waxay shaacisay madax-bannaaniddeeda 1991kii, hase ahaatee wuxuu wali sugaysaa  inay aqoonsadaan qaddiyadooda dalalka  kale ee caalamka, balse ma jiro  wali dal kaliya oo ictiraafay Qaranimadooda.

Xukuumadda Somaliland waxay cilaaqaad diblomaasiyadeed la gashaa midowga Afrika, Qarammada Midoobay, Waddamada  Jaamacadda Carabta, EU-da. Waxa kaloo ay Somaliland iskaashi la leedahay  dhawr dal.
Mr. Bill Snaddon wuxuu  qiray in Somaliland ay ka jirtay dimuqraadiyad shaqeynaysa illaa 1991kii, halka Soomaaliya ku xeernaayeen qas iyo jahowareer.

Warbixinta Bill Snaddon waxa lagu sheegay  in Somaliland oo kaalmo aad u yar ka hesha caalamku ay qabsatay doorashooyin iyo isbeddel hoggaamineed oo murankoodu aad u  yaraa, waxaanu  tilmaamay in dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay dhoofka xoolaha nool ee loo iibgeeyo barriga dhexe, taasi oo ummadda reer Somaliland shaqooyinka ka helaan saddex meeloodoow meel, iyadoo shaqo la’aanta dhallinyaradu ay gaadhay Boqolkiiba Konton.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ahna Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Weriye Bill Snaddon u xaqiijiyey in Afrika ka cabsi qabto in aqoonsiga Somaliland uu  dhiirigeliyo in dalalka Qaaradu ay sii kala goo’go’aan.

Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegtay in Qaddiyada Somaliland waafaqsan tahay xudduudihii gumaystuhu ka tagay  isla markaana ay Somaliland iyo Soomaaliya laba dal kala ahaayeen wixii ka horeeyey 1960kii.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu  ku dooday  inuu ku  niyadsan yahay inay ugu dambaynta Caddaaladdu guulaysan doonto oo ay Somaliland heli doonto Aqoonsi.

Wasiir Sacad wuxuu xaqiijiyey in aanu u filaynin in quwadaha waaweyn ee adduunku sida Maraykanka iyo Shiinuhu ay hormuud ka noqdaan Ictiraafka Somaliland.

"Marka hore  aqoonsigu waa inuu ka yimaadaa dhinaca Afrika, kuwaasi oo madaxa u ruxa oo aan diidin Somaliland, wadahadalka aanu Soomaaliya la leenahayna wuxuu  ku dhammaan doonaa in afti  dadka reer Somaliland ugu coddeyn doonaan  madax-bannaani,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Rooble Maxamuud Raage oo ah fallanqeeya siyaasaddeed oo horena u ahaan jiray la-taliyaha xafiiska Madaxweynaha  ayaa carabaabay   in ummadda reer Somaliland 97% ay aftidii laga qaaday 2001dii ay ku go’aansadeen dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...