"Geelle Waa Cidda Kaliya Ee Somalia Inaga Fardaamin Karta" Wakiilka Somaliland ee Djibouti
"Geelle Waa Cidda Kaliya Ee Somalia Inaga Fardaamin Karta" Wakiilka Somaliland ee Djibouti
Muqdisho(HWN):-Wakiilka Somaliland u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaannu ku tilmaamay mid wanaagsan.
Wakiilka Somaliland u fadhiya jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo magaalada Hargaysa ugu waramaayay Warbaahinta, waxaannu sheegay inuu wax badan ka qabtay xidhiidhka labadda dal,isla markaanna hadda la fiiseeyo Baasabboorka Somaliland.

"Waxyaabaha aannu qabano waxa ka mida Safaaraddu waxay bixisaa Fiisooyinka, qofka baasabboorku ka lumo waxaannu u samaynaynaa goo hoom wax la yidhaahdo. berigii hore waxa dhici jirtay in qofka Baasabboorkiisa maddaarka looga reebbo imikase nasiib wanaag intii ay joogtay Xukuumadda KULMIYE waxa suurto-gashay in la fiiseeyo Baasabboorka jamhuuriyadda Somaliland. Haddaad eegto sanadkan waxa ii yimid 12 Wasiir oo qaarkood la kulmeen Madaxweynaha, kuwo kalenna ay la kulmeen Ra'iisal wasaaraha, qaar ay dhigoodda la kulmeen, waxaan filayaa taasi caalamka kama dhacdo, waanna wax wanaagsan oo innoo hirgallay.
Dalka Jabuuti waxa innaga dhaxeeya xidhiidh dhaqan dhaqaale, Xidhiidh siyaasaddeed iyo mid jaarnimo, inkastoo mararka qaarkood ay dhacaan waxyaabo aannad jeclaysanayn, haddana xidhiidhkeennu meel fiican ayuu marayaa, waxaan dawladda Djibouti uga mahad-celinayaa qiimo dhimista ay ku samaysay Baasabboorka"
Wakiilku isagoo ka hadlaaya wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi "Xukuumaddu siyaasad cad ayay ka leedahay Wada-hadallada, runtiinna waa loo baahan yahay in aynu kala guranno nimankaas aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waxaannan qabaa cidkasta oo arrintaas dhexdhexaadin ka geli karta in aynu soo dhawayno, haddii ay Jabuuti noqoto iyo haddii ay dal kaleba noqoto. Dalka jabuuti waxaan u arkaa dalka kaliya ee maanta innaga fardaamin kara Soomaaliya, waayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle khibrad badan ayuu u leeyahay Soomaaliya"
Muqdisho, Soomaaliya
Hadhwanaagnews,Office
Loading...
Loading...


0 





