Kadiyihii, Guusha Rayidka Tuunis. Q/3.aad Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.

0
Tuesday November 05, 2019 - 12:29:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kadiyihii, Guusha Rayidka Tuunis. Q/3.aad Qalinkii: Axmad Cali Kaahin.

    in bulshadu hesho nasasho maskaxeed iyo wakhti go'aan qaadasho mustaqbal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

in bulshadu hesho nasasho maskaxeed iyo wakhti go'aan qaadasho mustaqbal

oo wacan kaliya waxa qaabeeya aqoonta, oo isla jaanqaad siman ku abuura ummadaha u hilooba wax dhigashada suuban ee ka fog ta gumaysigee lagu harawsado dunida caqligooda la dulmiyay iyaguna is duleeyay in kamida.


Haddaba haddiihalbeega lagu kala karto xaqa iyo baadilku yahay Nuurka Cilmigawaxa jira oo dhinac yaal mugdiyaal la abuuray gurcudkana ka madaw oo hagoogan, haddoodilan ummadana hoda.Waana in tacliinta la qiimo dilo tayada iyo duxdana diabada looga saarolagana dhigo wax madadaalo caruurta xaafadaha lagaga mashquuliyo oo mustaqbalka disha.



Waxa jira gumaysiga Maskaxda ama Cagliga oo meelo fog laga hago, waana qorshe in wax liita oo foojari aqooneed ah lagu daldalo ardayda ilays raadiska qooneed, nal ku raadinaya, taasi oo damiinimo aanay u dhalan maskaxdooda lagu abuuro iyo gumaysi ama waxa dadkeenii hore u bixiyeen ee ah (far hunguri) wax kharibta ama kaliya wax afka la galiyo lagu raadsado sidii qoriga dabalaabka ah ee daydaygu bariiska ku dhacsan jireen.


Waxa jirta odhaah caana oo cida leh aanan hubin meelo badana lagu xardho, taasi oo tidhaahda.Burburinta Qaranuma baahna in loo adeegsado Qumbul duriyo nukliyeera ama sawaariikhda tiirada dheer, balse waxa kaliya oo ay u baahantahayin tayada waxbarashada la qiimo tiro, lana ogolaado qishka imxtixaanka ee ardayda.


Natiijadaay dhalaysaa waa in tan soo socota:


·Bukaankuwuxuu ku geeriyoon doonaa gacmahaDhakhaatiirtaadugsiyadaa ka soo baxay.

·Dhismayaashuway ku dumidoonaa gacmahaEngineeradaa.

·Lacagtuwaxay ku lumi doontaa gacmahaDhaqaalayahanadan iyo Xisaabiyaasaha.

·Dadnimaduwaxy ku dhiman gacmahaWaddaadadoodadugsiyadaa.

·Caddaaladawaxa lagu Xaddi gacmahaXaakimadaa.

"Burburka waxbarashadu waa burburka qaranka”


Waddada guusah ummadi maaha wax muqdi ku jira oo sira, balse waa mid ka cad cadceeda oo cidkastaa si sahlan u garan karto, in garaadka lagu koriyo aqoon saafiya oo bisil, taasi oo ummadaasi dhaxalsiisa mustaqbal dambe oo ifaaya dugsina u noqda.


XildhibaanGalawwaxaan ka xifidiyay afkiisa markasta oo uu ka soo qayb galo xaflad arday shahaadad lagu gudoon siinayo, waxa uu odhan jiray eray caan ahaa oo madaxwayne Maraykani hal-hays u lahaa kaasi oo ahaa. (Study. Study. Study.) (Waxbarasho, Waxbarasho, Waxbarasho,) Eragaasi oo Maraykan ka dhigay Maraykanka hadda, xildhibaan kaasina wuu ku celcelin jiray muddo hore si aradayda reer Somaliland Cilmiga gawska ugu qabsadaan.


Haddalada Madaxwaynaha hadda ee TuunisQays Siciidwaxa kamid ahaa in Sidii Shibir ku jirtay Qasaf oo lagu xidhay, Shimbirkii Jaanis helay in uu ka fakado qafaskaasi sida aanu shimbirkaasi ugu soo noqon doonin qafaskaasi, ayaa reer tuuniska qafaskii uga baxeen kuna soo noqon maayaan . Waxa xiga qaybta 4.aad idamka Alle Subxaanah. 

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.

[email protected]


HA HILMAAMIN XUSKA RABI.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...