Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Diwaan Gelin Lagu Sameeyey Shacabka Kenya Iyo Tirada Dadka Oo La Shaaciyey
Nairobi(HWN):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay natiijada diwaan gelin lagu sameeyey shacabka dalkiisa.
Madaxweyne Kenyatta ayaa si rasmi ah u shaaciyey tirada shacabka ku nool dalkiisa ee diwaan gelinta lagu sameeyey, waxaana si gaar ah loo soo bandhigay tirada dadka ku nool gobolka soomaalidu degto ee waqooyi bari.

Uhuru ayaa sheegay in tirada Guud ee dadka ku nool Kenya ay yihiin 47.6 milyan , iyada oo ay shacabka Kenya ku kordheen tobankii sanadood ee ugu dambeeyey dad gaadhaya 9 milyan oo qof.
Sidoo kale tirada raga ku nool Kenya ayaa lagu sheegay inay gaadhayso 23.6 milyan halka haweenkana ay yihiin 24 milyan,waxaana muuqata in dalka Kenya ay ku badan yihiin dumarku.
Ugu dambeyn gobolka Soomaalida ayaa tirada dadka ku nool lagu sheegay 2,490,073 ( laba milyan afar boqol iyo sagaashan kun iyo todobaatan iyo sedex qof ).
Magaalooyinka tirakoobka laga sameeyey gaar ahaan kuwa oo ay Soomaalida degan yihiin ayaa waxaa ay kala yihiin tirada dadka ku nool, Mandera 867, 457 qof, Garissa 841,353 qof iyo Wajeer 781,263 qof.
Tirakoobka sanadkan ee dadka Kenya waxaa ku jiray dadka isku jinsiga ah ee isu taga waxaana tiradoodu kor u dhaaftay 1,500 qof.


0 





