Dawlada Federaalka Ah Oo Maamul Amar Duldhigtay Madaxda Maamul Goboleedyada
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa amar ku soo rogtay hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada soomaaliya.
Wasiirka wrfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan madaxda maamul goboleedyada loo ogolayn inay la kulmaan madaxda wadamada kale, waxaanu xusay in qaar ka mid ah maamuladu ay si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka ah.

Wasiir Maareeye ayaa si adag carabka ugu adkeeyey in dawlada federaalka ahi ay masuul ka tahay guud ahaanba dalka.
Si gaar ah madaxda Maamul goboleedyada dalka ayuu diiradda ku saaray hadalkiisa isagoo sheegay in si sharci darro ah ay ugu dhoofaan dalalka caalamka oo uu sheegay in ay kula kulmaan Madaxweyneyaal dalalka ay tagaan, isla markaana ay taasi sharci darro tahay la iskuna maxkamadey karo.
"Hadda ka dib majiri doono in Madaxweyne maamul goboleed uu la kulmo Madaxweyne dal kale, isaga oo aan fasax ka heysan dowladda federaalka, sida horay u dhici jirtay waa ay iska kala kulmi jireen, iyada oo xataa dal cadow ah u safray” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maareeye.
Madaxda maamul goboleedyada qaar ayuu ku eedeeyay in ay isku arkaan dal ka madax banaan Soomaaliya oo waxa ay doonaan samayn kara, sidoo kalana qaada kara go’aanno aysan la ogayn dowladda federaalka, isagoo ku goodiyay in taasi dhamaatay hadda wixii ka dambeeya.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday khilaafka Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowadda deferaalka ayaa waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay Urur dalkaan wax badan u soo qabtay dowladdana kala shaqeeyay la dagaalanka argagixisada.
Waxa uu sheegay in hadda lagu howlan yahay xalinta khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe, isagoo ka dalbaday in ay ilaaliyaan heshiiskii ay la gashay dowladda oo ay wada ogolaayeen dhamaan madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyay madaxweynihii maamuka.
Hadalka Maareeye ayaa ku soo aadayaa xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, sida Jubbaland iyo Puntland, waxaana xusid mudan in madaxda maamuladaas ay dhawr mar oo hore ay safarro ku tageen dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale.


0 





