Dr. Gaboose Oo Galka Seefta Ka Saaray Soona Bandhigay Dhaliilaha Muuse Biixi Iyo Qodobada Looga Baahan Yahay

0
Tuesday November 05, 2019 - 11:57:30 in News by
  • Visits: 3910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Gaboose Oo Galka Seefta Ka Saaray Soona Bandhigay Dhaliilaha Muuse Biixi Iyo Qodobada Looga Baahan Yahay

    Dr. Gaboose Oo Galka Seefta Ka Saaray Soona Bandhigay Dhaliilaha Muuse Biixi Iyo Qodobada Looga Baahan Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Gaboose Oo Galka Seefta Ka Saaray Soona Bandhigay Dhaliilaha Muuse Biixi Iyo Qodobada Looga Baahan Yahay


Hargeysa(HWN):-siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka taagan

Image result for gaboose iyo muuse biixi



Dr. Gaboose oo maanta la hadlay qaybo ka mid ah warbaahinta ayaa muuse biixi u soo jeediyey inuu fuliyo qodobo miisaan leh oo uu miiska u soo dhigay.


Siyaasi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isaga oo la hadlaya muuse biixi isla markaana farta ugu fiiqaya waxyaabaha looga baahan yahay waxa uu yidhi "


Waxa loo baahan yahay oo aan u soo jeedinayaa madaxweynaha qodobadan, madaxweyne waa


1. Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo


kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.
2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari kasoo gaaray Janaka Ciidamada Qaranka.


3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, SelelSool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la'aantood aanay jiri karin Somaliland.


4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.


5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.


6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.


7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa'iidaysto turxaan bixinta beelaha.


8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.



Loading...
Loading...