Ali Baqdaadi Dhaqdhaqaaqiisa Siyaasadeed Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn.

0
Tuesday November 05, 2019 - 10:09:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ali Baqdaadi Dhaqdhaqaaqiisa Siyaasadeed Waa Baroortu Orgiga Ka Weyn.

    Mr Ali Baqdaadiga Bangiga dhexe ee SOMALILAND waa nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Ali Baqdaadiga Bangiga dhexe ee SOMALILAND waa nin
aqoon Badan u leh  laakiin  xagga  Siyaasadda  waa ka agnaan. Ama wuu badheedhayaa oo boobkii danta guud ee Xukuumaddii  uu Siilaanyo ku xanuunsaday baa  habkeedii weli ka socdaa wadanka. Sideedaba waa la wada arkaa Xukuumadaa Kulmiye ee kala dambeeyey inay yihiin ( irresponsible economic management) ku tallaaabsanaysay. Nin qoraaya oo reer SOMALILAND ah baa ku bilaabay qoraal ahaan inaan Madaxweyne Muse Biixi dhoobadu ka dhammaanayn waayo kolba beer iyo baloodh uun buu dhextaaganyey, tol iyo maatiyi ka dhex ooyayaan. Waxaa la yidhi waraabood oo xagga hilbaa  u bood haddaan xagga Muse booday ha ila yaabina waayo  isagaa  u dhaartay wixii wadanka ku saabsan.


Haddaan Cali Baqdaadi ku soo rogaal celiyo,
Websites ka SOMALILAND wax loogu qoro had iyo jeer cidkasta ururkasta nin kasta waxbaa laga sheegaa,  dadka kalee wax cunaa ee aan qarsini Madaxay xaar marsadaan cidna uma joojiyaan hadday Maxkamadda inanka yar loo dhiibtay tahay,  hadday tahay  Guurtidan Bob kii Vatican qabsaday  tahay ee bilaa diinta lagu hogaamiyo, baarlamaanka xaalkiisa la arkayo  ciidamadan inkaartu ku dhacday waxaa soo dhan waxbaa  laga sheegaa maxaa ku waalay maqaalyaroo meel lagu qoray baad iska xidhay website,weriyeyaal reer  shirin waxaasi waa baroorto orgiga ka weyn oo shaqo aan Bangiga  ahayn ayuu Muse kula shuruutamay ishaa  Xisbiga wadani  Baqdaadi ku  hayaa. Taa waxaa markhaati u ah meeluhuu gacanta kula jiro ee lacagta SOMALILAND ka baxsan. 

Imika sideedaba waxaad mooddaa arimihii Xukuumadda SOMALILAND in ay soo gaadhay (the relativity of Allah) oo Madaxdii qaar way alaysteen xaggii loo badnaa bay qabteen qaarna dhakhtaraday ku jiraan qaar way iscasileen , qof walbana camalkiisaa raacayaa sida Allah inoo sheegay. 
Mushkiladda kalee  wadanka ka jirta kursigii xabbaashaa lagu sugayaa oo seddxdii G( gabow,geeri iyo Guri joog-dhaqaaqi kariwaa ) oo qofkii isagoo xooggii ka dhammaaday baa kursigii madaxnimada la dulhaynayaa oo lagu shaqaysanayaa.Waxaana waxaa inoogu wacan Distoor xumi waa Diin xumi. Baarlamaanadii sharci iyaga qabanaya iskuma socodsiinayaan, seddexdii kursi we doorashada wadanka u muhiimsanaa iyagaa soo xulanaya Commission  kii waa ka garnaqayey doorashooyinka WIXII SIDAA WAX U DHIGAY KUNA HAYA SIDAA WADANKA INKAARI HA KU DHACDEE WADANKA GEEDDI SOCODKIISU WAA DHAAWAC HALIS AH GOOR UU DUMO NIDAAMKA CAYNKAASI WUU DUMAYAA UMMAD NIMADA WAY KALA YAACAYSAA.

Cali Baqdaadi wuxuu ka shaqaysanayaa sarrifka  taageerayaasha Wadani ee imika kama shaqaynayo  oo qudha  Sirrifka lacagaha.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...