Badbaadada Qaranka Iyo Guusha Kulmiye.

0
Tuesday November 05, 2019 - 10:02:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badbaadada Qaranka Iyo Guusha Kulmiye.

    1. Maxamed Kaahin Axmed 2. Maxamuud Xaashi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Maxamed Kaahin Axmed 2. Maxamuud Xaashi Cabdi
Markaad labada magac aragto maxaad xasuusataa?


Baryahan waxa baraha bulshada iyo boggaga aragtiyaha dadwaynaha ee Warbaahinta waxa ku badan isbarbar-dhiga Siyaasi ee kor kuxusan qoraaladaa iyo sawiradaa siyaasiyiinta oo badiyaa kasoo burqanaya bayjajka (Pages-ka) dadka ay siyaasiyiintani la bahda yihiin ee Beesha Habar-Jeclo oo ah beeshii Madaxwaynihii hore ee Axmed Siilaanyo oo ahayd beeshii ku caan baxday hanaankii halista galiyay qaranimada Somaliland ee JEEGAAN-ta taasoo bulshada Somaliland badiyaa ka biyo diideen.



Siyaasada Jeegaanta oo ay ku midoobeen Beelaha Habar-Awal Iyo Habar-Jelco Xisbiyada mucaaridka ahi saxay ku sharaxeen hab isbaahaysiga beelahaasi ugu talo galeen muquuninta Beelaha kale khaasatan Garxajis iyo Gadabuursi oo afartaasi beelood yihiin afarta loo yaqaan "Cod Bixiyayaasha Koowaad"
Kuwaaso ah: Afarta Beelood Codkoogu uu korka udhaafo Boqol kun. Kuwaasoo ah Beelaha Murashax Madaxwayne yeelan kara ama xisbi hogaamin kara.


Sidookale siyaaaiyiinta ayaa arinaa Jeegaanta ku fasiray in labadan beelood ku heshiiyeen inay xukunka isku dhiib-dhiibaan oo aanay cid kale dalkan u talin taasi micnaheedu waa in ay ku tashadeen inay iyagu dadka kale u taliyaan oo khayraadka iyo Dhaqaalaha dalka kaligood isticmaalaan.


Sikaste ha ahaate, waxa xaqiiqo iyo biyo kama dhibcaan ah oo horumarka iyo hanaqaadka dalku kujiraa in xiligan Xisbiga Kulmiye hogaankiisa ay qabtaan Beelaha Gadabuursi ee Xisbiga ka tirsan waana xiligii ama markii Gadabuursi uu talada ulahaa.


Hadaba waxaan ka xisbi iyo muwaadin ahaan soojeedinayaa in oo dalka iyo Xisbiga u guul ah in doorkan Isaaq talashado oo ay qarankan u tudhaan waayo waxa cad in ay lagama tagaan tahay kaalmaysigu oo Maslaxda dalku taa tahay.


Qore: Cabdishakuur Xasan
Hargaisa, Maroodijeex Somaliland.
Email [email protected] 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...