Fashilka Iyo Fadeexada Dul Hoganaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga

0
Tuesday November 05, 2019 - 09:48:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka Iyo Fadeexada Dul Hoganaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga

    Wasiir xasan gaafaadhi waa wasiirka ugu liita wasiirada xukuumadan kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir xasan gaafaadhi waa wasiirka ugu liita wasiirada xukuumadan kulmiye
ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muuse biixi cabdi.



Waa wasiirka mudo laba sano ah ee uu joogay wasaarada X.xoolaha iyo horumarinta kaluumaysiga ay ku dhacday miisaaniyadii wasaaradu isagoo ka gaabiyay inuu u isticmaalo qorsheyaashii u dejisnaa inlagu fuliyo.


Waa wasiirka aan siinin dhakhaatiirta caafimaadinta xoolaha lacagtii ay ku baxeen kaambaynka daaweynta ah ee dhowaan soo dhamaaday mashruucaas oo ay haayada FAO maalgelisay


Waxaana jirta inuu hawlo ganacsi ku fushaday lacagtii dhakhaatiirta xoolaha ee bulshada usoo shaqeeyay.

Waa wasiirka aan warba u haynin shaqaalaha wasaarada uu madaxda ka yahay balse ay iska maamushaan agaasime waaxeedyo gaar ahi.


Wasaaradan waxa baabiiyay dad aan ehelkeeda ahayn oo madaxweynuhu usoo magacaabay xilalka u sareeya.


Wasiir gaafaadhi waa ninka reernimo ku bedelay agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta mudane Maxamuud jaamac Dhahar, isagoo meesha keenay inan yaroo ilaa hada aan mushaharkii shaqaalaha siinin.


Agaasimaha maamulka iyo lacagtu waa masuul wasiirka u qaabilsan dhego-dhegaynta shaqaalaha isla markaana kaga habsaamay shaqadii uu bulshada u hayay.

 

Waxaan halkan baaq uga dirayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu kasoo gaadho labadan wasaaradood ee uu baabiiyay wasiir keliggii noole xasan gaafaadhi.

 

W/Q.   Dr. Dhoodaan Xirsi

Email.[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...