Waxba Aflaagado Kaga Qaadimaysaan Marxuum Cabdilahi Fadal, kumaan Kun Qof Ayaa U Duco Iyo Amiin Isugu Daray.
Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo muuqanaya wajiga runta
ah ee daba
dhilifyada ku soo duuntay Xisbiga qaran ee Wadani,kuwaas oo aan markii
horeba ujeedadoodu ahayn siyaasad iyo inuu xisbigu guulaysto ,ee uu ahaa
nacayb ay u qabaan beelaha Somaliland iyo inay isku dhaftaan
beelahaas,iyaga oo aan dan iyo muraadtoona ka lahayn cidii ku
dhamaanaysa xataa haday yihiin beelaha ay sheegtaan in ay ka soo
jeedaan.
labadii sanadood ee ugu dambaysay halkan Kuma soo koobi kiro
hawlgalada Farmaajaysan ee ay ka wadeen gudo iyo debeda ee ALLAH inaga
badbaadshay, Waa Ilaahay mahadii. waxaa ku soo hadhay inay baraha
bulshada ka sii qaaqleeyaan ,waayo dabci aye u noqotay , mana waayayaan
been iyo dacaayada intay noolyihiin.
Maalinwalba waxay layimaadaan aflaagaado ay ku heshiiyiin inay
maalmo socoto taas oo qof iyaga ka mid ihi u xilsaaranyahay sida loo
odhanayo ama loo qorayo, waxa kale oo jira in villa Wardhiiglay uu jira
xafiis u qaabilsan isku dirka beelaha Somaliyed oo dhan waana wax cusub
oo Farmajo la yimid ,oo Madxweyneyaashi hore aqoon ,Farmaajo wuxuu aad
uga yaabay hadalada ay ku hadlaan oo gaadhay heer ay dafiraan
nasabkoodi ,taariikhdi Somaliland ka been sheeegaan,Sida xisbulahi ,
SNL,USP, NUF ,26 June, waxay ka been sheegeen oo kale halgankii SNM
,iyo xasuuqyadii uu Afweyne gaystay, waxay taariikhda ka soo bilaabeen
21kii oktobar qaarkoodna amaanta ay kala daaleen Afweyne waxay
gaadhsiiyiin in uu macsuum yahay sida Malaaiigta .
Laakinse weligaey ismaan odhan umana fadhiyin qof ka mid ah
Mataanka ay ku hadaaqaan oo dhintay ayey ku talax tegi
aflaagdayntiisa,iyaga oo is leh Madaxweyne Muuse ayaad wax ku yeeli
kartaan, ,malahase ma oga in deelqaafkaasi dhibiyo eheladii uu Marxuumku
ka dhintay,waxay dadkaasi ku kaceen waa arin ugub ah oo anigu aanan
hore u maqal ,sidaa darted waxaan ka codsanaya Culimada,salaadiinta,
wax garadka iyo siyaasiyiinta Xisbiyada in ay wacdi iyo waano shacbka u
akhriyaan , wax garadku ha iska arko oo talaabo ha ka qaadaan si aan
waxaa caynkaas ihi mar dambe lay isuma iman.
waxaan ku suu gunaanaday maqaalkaygan kooban in yar oo ka mid ah gabaygii Maxamuud Maxamad Yasiin Dheeg
"" Dadka in xusuustii Caqligu Xaaxiyo dhimatay,
uu xiskii waxa kala sooci jiray uunka ka xumaday
waxba yey xeerinin ragii iyo xoolihi lumay
dadkan xaafadihii burburay oon weli la xayndaabin
guryo aan xaga sare la dedin xalay ka soo tuusay
ee saaka Xamar doonaya muxuu ku xiiseeye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...