Madaxwayne Muuse Biixi Oo Iskugu Yeedhay Golihiisa Wasiirada Iyo Sababta

0
Tuesday November 05, 2019 - 08:57:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Biixi Oo Iskugu Yeedhay Golihiisa Wasiirada Iyo Sababta

    Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi golihiisa wasiirada ku war geliyay inay Salaasa kusoo xaroodaan dhamaantood xarunta madaxtooyada .

 

Waxaana loo badinaya in looga fadhiyo wasiir kasta inuu keeno wixii u qabsoomay , sidoo kalena lagu falan qeyn doono waxyaabaha qorsheysan iyo sida wasaarad kastaa u waajahayso .

 

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu maanta furmo cabaaro 8:00 subaxnimo ilaa 5:30 galinka danbe kaasoo socon doona ilaa maalinta labaad oo ah arbacada .

 

Majiro ilaa hada war rasmiya oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada.

 

Marka laga imaado in kulan kan kusoo beegmayo laba sano kadib markii madaxweynaha loo dhaariyay xilka bishii December 13 2017 oo hada wakhti kooban ka hadhsan yahay

 

Waxaase soo baxaya warar kale oo sheegaya in qiimeyn lagu sameynayo wasiirkasta iyo siduu ugasoo baxay shaqadii loo xilsaaray , taasoo suuro gal ka dhigi karta in uu kadago tareenka xukuumada madaxweyne Biixi hadii madaxweynuhu ku qanci waayo siduu ugutay shaqadii loo xil saaray oo badan kood golaha wasiirada ay joogeen mudadaa labada sano ku dhaw.


Loading...
Loading...