Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga

0
Tuesday November 05, 2019 - 08:21:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.


 

Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aad

an iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.



 

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo balaadhin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga si looga hortago falalka Argagixisadu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.


 

Ciidamada AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland oo ka howlgala inta badan deegaano aanay joogin Ciidamada AMISOM.

Image may contain: 6 people, people sitting, people eating and table

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting and beard


Loading...
Loading...