Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay Wakhtiga Ugu Dambeeya Ee Lagu Dhawaaqayo In Laga Cafiyey Deymaha Lagu Leeyahay
Muqdisho(HWN):-Wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay wakhtiga ay ku rajo weyn yihiin inay dhamaato deynta laga cafinayo soomaaliya.


Wasiir Bayle oo maanta xafiiskiisa ku qabtay kulan lagaga hadlayey sidii loo dhamaystiri lahaa shuruudaha soomaaliya uga hadhay in laga cafiyo deymaha kala duwan ee lagu leeyahay ayaa waxa uu soo bandhigay wakhtiga uu soo dhamaanayo nidaamka deynta lagag dhaafayo soomaaliya.
Wasiir Bayle oo ka warbixinaya arimahan ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu soo saaray "Waxaa maanta inoo qabsoomay Shirkii todobaad laha ahaa ee SMP oo aan diiradda ku saarnay dhameystir ka howlaha Deyn-cafinta Soomaaliya maadaama Sanadku uu dhamaad yahay.


2020 waa sanadka noogu rajada wanaagsan, maadaama aan fileyno in deynta na laga caafiyo.
Waxaa naga go'an in aan sidii loogu talagalay uga shaqeyno Shuruudaha ka dhiman hanaanka Deyn-cafinta Dalka.


0 





