Farriin Ku Socota Madaxweynaha Somaliland; Mudane, Muse Bihi Abdi W/Q. Sahra-Kiin Kaahin
looga tebiyay tabashada dadweynaha Hargeysa ayaa ka mid ah kuwa taabanaya gaabiska DHH. Ila eega
Mudane Madaxweyne waligay farriin kuumaan soo dirin, maanta se waa ay ka fursan weyday.
Haddii aannu nahay dadweynaha reer Hargeysa waxaannu u doqonniimo samirnay dhibaatada iyo wax-qabad la’aanta dawladda hoose ee Hargeysa la joogaan ee aad ogtahay. Muddo 7 sanno ah waxa nalaga qaadaa cashuur, ciddii ay ku baaqatana waxa lagala baxaa albaabada guryahooda. Wax yar oo cashuurtaas ka mid ahna nalaguma soo celiyo. Qashinka qoys waliba iyaga ayaa bixiya lacagta lagaga qaado, biyaha annaga ayaa iibsanna, laydhka iyo meelo badan ilaalada habeenkii xaafadaha waardiyeeyana sidoo kale. Hawada ayaa bilaash ah Hargeysa, taasina Alle mahaddii iyaga ayaanay gacanta ugu jirin.
Mudane madaxweyne, sida aad ogtahay ma haysanno meel hagaagsan oo la maro dad iyo gaadiidba. Magaalo dhan oo Milyan iyo dheeraad qof ku noolyihiin oo aan lahayn fayo-dhowr, bilic iyo buqcado dadweyne ayaa dalka aad maamusho caasimad u ah.
25-ka qof ee laba ka mid ahi maayir iyo ku-xigeen ugu magacaabanyihiin Hargeysi, waxa ay muddadii ay joogeen ku guuleysteen helidda hanti aan laga xisaabin oo ay ugu tagrifaleen sida ay dooneen iyaga oo aan ka xishoon garaadka bulshada ayey sida aad ogtahay faan aan miyir lahayn la soo taaganyihiin. Waa kuwa leh bisadaha ayaa Hargeysa ku raaxeysta iyada oo dayaca maamul ee Hargeysi galaaftay nolosha aadame sharfan. Adiga ayaa goobjoog u ahaa Madaxweyne maydadkoodii iyo dhaawacoodii dadkaas maamul darradoodu halligtay oo carruur iyo cirrooleba ahaa.
Mudane Madaxweyne Illahay baan kugu dhaarshee Hargeysa oo caasimad ahayd muddo 28 sanno ah oo duruufteedu sidaa tahay caasimad ma ugu yeedhi karnaa?! Xaasha e, waa in aynu ka khajilno in aynu duni aqoonsi aynu ka rabno caasimad sidan ah ku soo dhawayno.
Hargeysi waa magaalo mug weyn oo taariikh iyo marxaldo badan soo martay. Waa magaalo guud ahaana ku weyn qof walba oo Soomaali ah. Waa magaalo ka mid ah magaalooyinka dad badani ku hammiyaan in ay yimaaddaan ugu yaraan, ama nolol ka sameeyaan. Laakiin nasiib daran oo aan weli helin cid u shaqaysa cid ka shaqysata mooyaane.
Mudane madaxweyne hadda samirkii iyo dulqaadkiiba way dhammaadeen. Bulshadu waa ay ogtahay fashilka golaha deegaanka, adna in aad tallaabo sharaftaada iyo ummaddaada dhawrta aad qaaddo ayaa la naawilaayey.
Farriintan wax aan kuugu soo dirayaa in aad tixgeliso oo aad hoos u eegto. Kolayna markay ugu darantahay waa markay ugu fiicnatahay oo waxa yimaadda isbeddel.
Dadku haddii ay waayaan nidaam u jawaaba oo dantooda ka jawaaba, waxa ugu dambaynta meesha ka baxa wax wal oo nidaam ah iyo wax wal oo kala sarrayn ah sida suunnaha noloshu yahay.
Mudane madaxweyne, Waxaan rejaynayaa in ay farriintani ku soo gaadho, reer Hargeysa iyo Somaliland oo dhanna jawaabtaada ay arkaan dhawaan.
Sahra-Kiin C.raxmaan Axmed, muwaadin ku nool Hargeysa oo xaqeedii baadigoobaysa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!