Maanso Buurta Kala Jeexan

0
Monday November 04, 2019 - 13:12:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Buurta Kala Jeexan

    30 / 10 / 2019 Maanso . buurta kala jeexan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30 / 10 / 2019 Maanso . buurta kala jeexan


Waataanan ba,.leyda gabay

Waayadaa bedane

Binayn teeda anigoon jeclayn

Buugga inan qaato

Ayuunbay midaan baaji rabin

Ii bacdiyayaane

Waa boob caddaaniyo qalooc

Taan ubaxayaaye

.

Buuqiyo xumaantaa ka dhacay

Buurta kala jeexan

Ee maati lagu beegsadee

Bacadka loo saaray

Bunduq iyo ku waa xoogga iyo

Baawar lagu maagay

Bar tilmaana ay wada yihiin

Bilistan caydhawday

Bogcadoodi lagu maagayee

Jeelka laga buuxshay

.

Ee bulshada dhammaanteed dadaw

Baquhu saameeyay

Bahalkii cunaayiyo ka daran

Haadki soo baxaye

Badawdii la doortaa ku kacay

Bililiqayn-taase

Halkay qaranka waxu beeri layd

Gaajo lagu biiyo

Baayacad mushtari bay noqdeen

Baahanoo kulule

.

Afarteeda baalood wataa

Laysu bixi waa yay

Buuraha wataa loo galee

CAARE . uu baxaye

Baalahana waxay sheegayaan

Guux kaloo badane

Baarka sare intaa joogta ee

Waa burdiye xaalku

Bedel weyn haddaydaan

Ku kicin talada baandheeya

Oo bursjgana xeer loo samayn

Geesta qudhi buuxdo

.

Beri hore wixii lagu jabaa

Biinka laga goyne

Rag calooshu buuraatay baa

Baal ka fudu daane

Bakhtigaa xalaasaw ahaan

Booli quutaha.e

Bartii faqashtu ay eedaybaa

Moodaysaan bilice

Waatii badheedh loogu tegay

Beydka gudihiiye

Waatay basaas ugu dhinteen

Beled shishee-yaade

Belo huruda waar hooy ka daa

Mudacan baadhaaya.

 

Guuleed liibaan  snm1710@com. uk


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...