Wasiir Maxamed Kaahin Oo Fariin Digniin Ah U Diray Shacabka somaliland

0
Monday November 04, 2019 - 10:30:55 in News by
  • Visits: 5157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Fariin Digniin Ah U Diray Shacabka somaliland

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Fariin Digniin Ah U Diray Shacabka somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Fariin Digniin Ah U Diray Shacabka somaliland


Hargeysa(HWN):-wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa fariin digniin ah u diray shacabka somaliland.

Natiijada sawirka maxamed kaahin axmed


Sida lagu sheegay war lagu baahiyey bog wasaarada arimaha gudaha somaliland, wasiir Maxamed Kaahin ayaa bulshada uga digay inay u dhawaadaan meelaha biyo mareenada ah , dooxyada iyo laagaha ah ee ku yaala xeebaha dalka.


Fariinta wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa u dhignayd sidan:-


 

Digniin : Shacbi waynaha reer Somaliland waxa Digniin u diraya Wasiirka Wasaradda Arimaha gudaha JSL Mudane: Maxamed Kaahin Axmed inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha ee dhulka Xeebaha.


Dhanka kale Darawalada Gaadiidka ayaa fariintani si gaara u khusaysaa inaanay Naftooda iyo hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka iman karto.


Sida aanu ka soo xiganay Haayada ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka( NADFOR) waxaa la filayaa muddo todobaad ah ay socdaan Roobabkaasi sida ay sheegeen haayadaha Saadaasha ee Geeska Afrika iyo kuwo caalami ah, Roobabkaas oo badi ku soo beegan dhulka Xeebaha Somaliland.


Roobabkan ayaa ilaa hadda ka da’ay Goobo ka mida Somaliland kuwaasoo aan keenin khasaare, sidoo kalena Magaalooyinka kalena Daruuruhu ay isa soo qabsadeen.

Loading...
Loading...