Ishii Qaate Mashqac Sita!

0
Monday November 04, 2019 - 09:39:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ishii Qaate Mashqac Sita!

    Ishiisa Laga Arkaa Ushiisa Lala Dhacaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ishiisa Laga Arkaa Ushiisa Lala Dhacaa!
Jaalle Maxamed Siyaad markii uu talada waddanka xoogga ku qabsaday waxa uu mashqacii ugu horreeyey bulshada ruubay 1970 markii uu deldeley saraakiishii afgembiga la samaysay saddex ka mid.




Maxamed Caynaanshe, Gabayre iyo Dheel ayuu ku dhugtamey dharaar cad dadka oo u wada jeeda. Laba Cali juuq isma weydiin oo cidina juuq ma ay odhan.

Shan sannadood ka dib waxa uu dhegta dhiigga u daray culimadii diinta, waxa aanu yidhi, "waxa aan nasakhay aayadaha ka hadla dhaxalka ee suuradda Al Nisaa ku jira".

Jeerkaasna gorodda ayaa la wada laalaadiyey oo buste qoyan ayaa la wada huwadey.

Maxamed Siyaad waxa uu markaas yiqiinsaday inuu dhufaanay ragannimadii bulshada iyo kudhaceedii, wixii uu doonana waa uu ku falay markaas wixii ka dambeeyey labadaas ku day ama mashqac ee uu dadka ruubay.

Ishiisa laga arkaa ushiisa la la dhacaa.

Taas waxa ka dhigan madaxweynahayga Muuse Biixi ee la soo doortay ee haddana durba naanaysaha taban ee badani u baxeen; "madaxweyne aanay dhoobadu ka qallalin ama beer iyo baloodh iwm.".

Waa ishii qaate kale oo kelitalisnimada waxa uu dheer boobka dhulka iyo barakicinta danyarta.

Mashqacii ugu horreeyey waxa uu sannad ka hor la tiigsadey oo dadka caloosha ka geliyey boqollaal shacab ah markii uu ka boobay dhul ka kooban 110 baloodh galbeedka Hargeysa bogcadda uu u qoondaystay in uu ka dhisto qasrigii uu ku hawl gabi lahaa haddii uu cimrigu ku simo oo uu noolaado.

Indhaha dadka oo shan ah ayuu dhacaasi u meel maray oo aanay deero deero u hirdiyin.

Waxa soo raacay oo hadda maxkamad ku sheeg u xukuntay walaalkii laxmi ah iyo wiil uu abti u yahay dhul ay deggan yihiin dad boqollaal qoys ahi.

Waxa aynu la soconna orta iyo hayaayda hooyooyinka ummulaha iyo maantida ah ee la jiid jiidaya suuqyada, xabsigana la dhigayo iyaga oo irmaan oo caanuhu naasaha ka da'ayaan, mayeedhaankii yar yaraana  (ubadkii) gaajo iyo maqnaanta hooyooyinkood la muraaradillaacsan yihiin.

Waa uun loo daawasho tagaa ama la isku soo sawiraa meelaha hadimooyinkaasi ka dhacayaan iyo dadkaas danyarta ah ee barakaca iyo dhulboobka madaxtooyadoodii kula kacayso.

Dadka qaar waa ay ku wiirsadaan oo sacabbo lulan iyo giblay madaxweynaha iyo qoyskiisa ku gaalgaalaan marka ay foolxumooyinkaasi dhacayaan.

Qaar kale na waxa ay iska dhisaan kuwa wax boobaya si u tusaan in ay madaxtooyada daacad u yihiin sax iyo khalad ba.

Xaalkoodu kuwaas waa "maafishkaba keen oo maraqa ku soo badi. Waa kabo leefyo dadnimada debedda ka jooga, bulshaday se ka mid yihiin.

Marka la eego kaalintii wadarta, dhaqdhaqaaq ha joogtee, ciddii soo qaadda ee ka hadasha qayladhaan ahaan boobka dhacaya ayaa la xag xagtaa oo lagu xoomaa sidii shinni malab abuuraysa.

Shibtaada iyo ha nuuxnuuxsan baa loo badbatay. Ishaa miirta laga dhigayaa inta badan oo ama dano yar yar baa la ilaashanayaa ama tuug iyo tuug kalkaaalnimo kalaa jirta oo ilko dhiig leh baa badan (daahir baan la ahayn).

Gacmo aan daahir ahayni nijaas kaama daahirin karaan. Ninkii hore dhulboobka u galay dhulboob kale kama hadli karo. Waa daruur qudhuntay iyo af wax cunay xishoo.

In hal baloodh oo macallin yab yabanayey loo hunguroodaa oo la baadaa weliba xubno qoys madaxweyne isu bahaystaan waa taariikh bukaan socod ah oo aynaan hore u maqlin. Lama arag!

Dhulboobku waa uu jiri jirey Muuse ka hor, ha yeeshee ma lahayn indho adaygan iyo ilgiirnimada badheedhahan soo mutuxan ee qaawan ee hadda ee xubno qoyska madaxweynuhu caadeysteen, kuna walfeen mabid ahaan.

Awel hore xilliyadii xukuumadihii hore si loo kala badsadaba waxa la boobi jirey dhulka hantida ummadeed ee danta guud ah.

Maatida iyo dadka birmageydada ah, inta badan, laguma hoos noqon jirin oo waa la dhaafi jirey, hadda se waa taa aaranka dubanaysa!

Muuse Biixi qof ahaan kama uu qadin dhulboobkaas hore ee meelaha danta guud lagu dareen xagtey, haddana isaga oo ah madaxii waddanka ugu sarreeyey waa kaas daabaca weli sii ridanaya.

"Nin adduunyo helaa ma wada haaban, nin hanti doonaana ma wada helo".

Waxa se ugu daran in  madaxweynaheennu yiqiinsaday in aan cidina "hus iyo joog" ku odhanayn oo isha miirta laga dhigayo, lana baryootamayo oo kuwii la boobay weliba "gadhka iyo gommodda hayaan".

Ku soco Muuse, ku soco! Waxa aad heli wixii uu Maxamed Siyaad ka helay haddii aanad eegga dib isu qiimayn oo aanad is qaban.

Nayjeeriya qolyar oo cidhiidhi ah ayuu Maxamed Siyaad ku qombobay, adna Oogo ayaad dhanqalan ugu tawafi haddii aad awood-ku-takrifalka iyo sharci-ku-tumashada cagta u dhigi weydo!

"Hadday geed darfuhu dheer yihiin gooya baa xigi".

"Hadduu doobi buuxsamo inuu daato la arkaa".

Muggiina weel ma dhaafo.

Waar fursad baa idiin noole, "waar ka daayaannu idin leennahay", waa halkii Sheekh Aadan Siira'e. Waxa aan la hadlayaa xubnaha qoyska madaxeeynaha kuwooda dhulka aboorka ku noqday ee ku mamay. Waa talo.

[email protected]
Maxamed Baashe X. Xasan
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...