Hooyadaa Ma Shini Ayay Ahayd?!!! By: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

0
Monday November 04, 2019 - 09:34:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyadaa Ma Shini Ayay Ahayd?!!! By: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

    Sheeko faneedu waxa ay qofka akhristaha ah ku kordhisaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko faneedu waxa ay qofka akhristaha ah ku kordhisaa, kuna kobcisaa inuu qofku maskax ahaan u dhismo, oo uu jeclaado kuna raaxaysto sheekooyinka dhaadheer, iyada oo sheekaba sheeko u dhiibaysa, waxayna bartaa dulqaad iyo sabirka lugula qabsan lahaa qoraallada, sheekooyinka iyo buugaagta.

 

Waxa ay sheekadu dadka bartaa dhaqamada ka la duwan oo qofku haddii uu akhriyo dhawr sheeko oo kala duwan wuxuu wax badan ka fahmayaaa bulshadaas dhaqankeeda, iyo sida ay ugu sawiran tahay sidii uu dad ku soo dhex noolaaday.

 

Sheekadu waxa ay cabirtaa sidaay wax maskax ku jirta ama qalbi ku qarsoon dibada loo soo dhigi lahaa, oo bulshada uu ula wadaagi lahaa, isaga oo cabiraya dareenka haya ee ku xeeldheer waxa nafsad ahaan u tabayo, kuna cabiro qoraal.

 

waxa uuna akhristuhu la falgalaa dareen iyo hab fikir run ah oo laga soo dhirindhiriyey sida dhabta ah ee ay dadku yihiin. Akhristuhu waxa uu ku ilbaxayaa ka la duwanaanta bulshooyinka iyo heerarka dadweynaha oo nooc kasta leh, waxa uuna helayaa xogo ballaadhan oo hay’adaha iyo qaabdhismeedka bulshada ku saabsan,*

 

haddaba bal ila arag sheekadan iyo qaabka loo qoray iyada oo ku cusub hab qoraalka sheekooyinka, sheekadu waxa ay leedahay qaybo badan balse waxaan jeclaystay inaan idiinla wadaago qayb ka mid ah qoraalka sheekada, wanna sida tan;

 

Kalsooni haba sheegin, aaminaada ka daran oo baro dhaafisay, waa inan ka calaamadsan hablaha faceeda ah isla markaana dumarnimo iyo baanasho meel iska dhigtay, inta laga ogyahay ayaaba iska yar, toloow maxaa u qarsoon!!

 

Maalin ka soocan maalmaha kale, waa maalintii aan ogaaday inaay tahay gabadh buuxda oo dumarka wax dheer,Waa quruxleey marka ay soo jeedo, eegmada quruxsoon iyo qaabka quruxdu ku dheehan tahay ee ilaahay u abuuray, haba sheegin marka ay sii jeedana, fiiro dheer iyo faalo gaaban, waxaad iga tidhaahda qalanjo qalbi qurxoon, oo dheeman lagu daray ,markaan arkay ayan si kadis ah oo lama filaan ah ayan u waydiiyay, dheemaneey hooyadaa ma shini ayay ahayd? iyada oo ila yaabtay oo afka gacanta saartay ayay si xushmad iyo qadarin leh igu tidhi oo waayo huno, masxada iyo afka oo u soo baratamaya jawaabteeda ayaa midba dhinac ka hadalay oo ugu jawaabeen ee hooyadaa malab ayay dhashay !!

 

*waxa jira qoraaladda qaar aan ka soo xigtay pageka (kaasho maanka) oo aan qoraal ahaan wax ka badalay, wana qiso faneed aan ka soo xigtay iyada oo qayb ka mid ah ku qoran tahay carabi, aniga inta kale buuxsaday oo wax ku darsaday.

 

Qore : Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

Hargeisa – Somaliland

Whatsapp : +252-634428674

Email : [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...